Agaasimaha Ciyaaraha Ee Kooxda Juventus Giuseppe Marotta Oo Ka Warbixiyay Dareenkiisa Farxadeed Kadib Markii Ay Gacanta Ku Dhigeen Saxiixa Cristiano Ronaldo.

Agaasimaha ciyaaraha ee kooxda Juventus Giuseppe Marotta ayaa wuxuu ka warbixiyay sida uu ugu faraxsan yahay in ay gacanta ku dhigaan saxiixa saxiixa kabtanka xulka qaranka Portugal ahna gooldhaliyaha ugu sareeya taariikhda kooxda Real Madrid Cristiano Ronaldo, kadib markii ay dhwaan kooxaha Los Blancos iyo Bianconeri ay ka wada heshiiyeen.

Giuseppe Marotta ayaa wareysi uu ku bixiyay “Corriere della Sera” ee dalka Talyaaniga: “Aad ayaan ugu faraxsanahay in la dhameystiro heshiiskan, Cristiano Ronaldo waa kan ugu horeeyay ee xiiseenayay in uu dhaco heshiiskan si uu ugu biiro Bianconeri”.

Agaasimaha ciyaaraha ee kooxda Juventus ayaa wuxu hadalkiisa intaas sii raaciyay: “Bilowga fikirka ku saabsan Cristiano ayaa yimid kadib markii aan bilaawnay wada hadalada aan ku dooneenay saxiixa xidiga reer Portugal ee João Cancelo oo isna wakiilkiisa ah kan Ronaldo ee Jorge Mendes”.

Giuseppe Marotta ayaa sii waday hadalka wuxuuna yiri: “Markiiba waxaan ogaanay inaan ka faa’iideysan karno fursadan, saamileyda ayaa isku raacday inay kooxda si dhaqso ah u taageeraan”.

“Waxaan dooneynaa inaan muujino ugu yaraan sida aan ugu faraxsanahay heshiiska Cristiano Ronaldo iyo go’aankiisa uu ku doortay inuu ka ciyaaro kooxda Juventus”.

Giuseppe Marotta ayaa wuxuu hadalkiisa kusoo xidhay: “Cristiano wuxuu ku faraxsan yahay inuu u ciyaaro mid ka mid ah kooxaha waa weyn ee aduunka, wuxuu doortay inuu ku noolaado bartamaha magaalada Torino”.

Cristiano Ronaldo ayaa kaga soo dhaqaaqay kooxda Real Madrid aduun dhan 105 million euros, isagoo saxiixi doono heshiis gaaraya 4 sano uu sanad kasta ku qaadan doono aduun dhan 30 million euros.