Agaasimaha Ciyaaraha Ee Kooxda Juventus Giuseppe Marotta Oo Daaha Ka Qaaday Goortii Ay Ogaadeen Inay Haystaan Fursad Ay Kula Saxiixan Karaan Cristiano Ronaldo.

Agaasimaha ciyaaraha ee kooxda Juventus ee Giuseppe Marotta ayaa markii ugu horaysay fashiliyay sirta ah wakhtigii ay ogaadeen inay awoodaan la saxiixashada Cristiano Ronaldo iyo xilligii ay bilaabantay riyada Juve ay ku riyoonaysay helista 33 jirka ree Portugal.

Giuseppe Marotta oo ah nin imbadan la falgala saxiixyada ay Juventus kusoo darayso safkeeda ayaa sheegay inay waxkasta bilaabmeen laba usbuuc kahor markii ay lasoo saxeexanayeen daafaca ree Portugal ee  Joao Cancelo kaas oo kaga imanayay dhinaca Valencia isla markaana uu wakiil u yahay isla wakiilka Ronaldo ee Jorge Mendes.

Marrota ayaa ugu horaynba yidhi “Waxkasta waxa ay bilaabmeen markii aan bilawnay wada xaajoodkii Cancelo, Kaas oo ay isku wakiil yihiin Ronaldo, Waxaan doonaynaa inaan soo bandhigno farxadeena ugu sarreysa maadaama oon awoodnay inaan la saxiixano Cristiano Ronaldo”

Hadalkan kasoo yeedhay agaasimaha ciyaaraha ee Old Lady ayaa loo fasiran karaa in wakiil Jorge Mendes ayna kaliya kawada xaajoon heshiiska Cancelo ee ay markaa isugu yimaadeen balse ay sidoo kale kawada hadleen wax ku saabsan suurogalnimada uu Cristiano Ronaldo ku iman karayay Allianz Stadium.

Ugu dambayn, Cristiano waxa uu dhawaan bilaabi doonaa geedigiisa kubadda cagta Talyaaniga isaga oo markan isku diyaarin doona sidii uu u qabsan lahaa horyaalkaas maadaama oo uu hore usoo maamulay horyaalada Premier League & La Liga.