AFCON 2019: Egypt vs Zimbabwe – Mohamed Salah Iyo Masar Oo Caawa Kulanka Furitaanka Koobka Qaramada Africa Wajahaya Zimbabwe & Shaxda Macquulka Ah Ee Kulankaas.

Caawa ayuu gegida Cairo International Stadium ka bilaaban doonaa tartanka qaramada qaarada Africa ee Afcon waxaana wada ciyaari doona kulanka furitaanka xulka marti gelinaya tartanka ee Masar (Egypt) iyo Zimbabwe.

Markii ugu dambeysay ee Masar lagu qabto tartankan ayaa ah sanadkii 2006 waxaana wakhtigaas tartanka kusoo guuleystay isla Masar taas oo noqotay wado ay u mareen saddex jeer oo xidhiidh ah ku guuleysiga koobkan.

Iyadoo haatan uu safka xulkaas hoggaaminayo Mohamed Salah oo kusoo guuleystay UEFA Champions League toddobaadyo kahor ayaa la filayaa inay markale dalkooda ku hanan doonaan koobka qaramada Africa.

Wararka Kulankan Ee Labada Kooxood

Weerarka Masar ayaa la filayaa inuu garabka bidix ku bilaaban doono Salah waxaana booska weeraryahanka dhexe ka dheeli doona Marwan Mohsen kaddib markii uu weeraryahanka Al Ahly dhawr gool kasoo dhaliyay kulamadii is reeb-reebka.

Mahmoud Hassan ayaa sidoo kale ah ciyaartoy la filayo inuu qayb ka ahaado safka weerarka ee Egypt kaddib markii uu xidhiidh wanaagsan safka weerarka kula soo samaystay Salah.

Dhinaca kale Zimbabwe ayaa qiimaynaysa xaalada taam ahaansho ee khadkeeda dhexe ee Khama Billiat kaas oo lagu tiriyo mid kamida xiddigaha ugu fiican ee qarankan lagu naanayso dagaalyahanada.

Intaa waxa dheer in weeraryahanka kooxda Nottingham Forest ee Tendayi Darikwa la filayo inuu dib u heli doono booskiisa xulka Zimbabwe.

Shaxaha Kulankan Ee Labada Xul Qaran

Egypt: El Shanawy; Elmohamady, Alaa, Hegazi, Ahsraf; Hamed, Elneny; Salah, Warda, Hassan; Mohsen

Zambia: Sibanda, Mudimu, Phiri, Lunga, Billiat, Musona, Nakamba, Mushekwi, Karuru, Hadebe, Darikwa