Afartii Xidig Ee Lionel Messi Kaalmaha Hore Ka Qaaday Abaal Marintii Ballon D’Or Oo Laga Sifeeyay Champions League Iyo 30 kii Xidig Ee France Foobtall Qiimaynteeda Ku Soo Baxay Oo In Badan La Waayi Doono.

Majalada France Football ayaa December 4,2018 waxay bixisay abaal marinta Ballon d’Or ee xidiga aduunka ugu fiican, waxaana markaas ku guulaystay Luka Modric iyada oo ahayd mid ka mid ah abaal marinihii ugu muranka badnaa ee dooda badani ka dhalatay.

Waxyaabihii dooda badan laga keenay waxaa ka mid ahaa sababtii uu xidig xulka qaranka France oo koobka aduunka ku soo guulaystay uu abaal marinta Ballon d’Or u hanan waayay, waxa kale oo jirtay sababtii haddii Champions Leauge lagysku qiimaynayay uu Ronaldo ugu guulaysan waayay waxaana ka sii muran badnayd in Lionel Messi uu kaalinta shanaad ku jiray.

Iyada oo ay soo baxeen dad sheegay in codkoodii la qalday oo la siiyay cid ayna u codayn, hadda wax badan ayaa iska badalay musharixiintii 30 ka ahaa ee sanadkii hore ku soo baxay liiskii France Football ku shaacisay abaal marinta Ballon d’Or.

Afartii xidig ee Lionel Messi kaga sareeyay codbixintii France Football ee abaal marintii Ballon d’or 2018 ayaa gabi ahanba laga cidhibtiray tartanka UEFA Champions league, waxayna kala yihiin Kylian Mbappe – France & PSG, Antoine Griezmann  – France & Atletico Madrid, Cristiano Ronaldo- Portugal & Juventus iyo uka Modric- Croatia & Real Madrid, waxayna tani la micno tahay in ayna sanadkan wax fursad ah u haysan in ay abaal marintan ku guulaysan karaan ama ay xataa safka hore soo gali karaan.

Lionel Messi ayaa ilaa hadda si buuxda loogu saadaalinayaa in uu markii lixaad ku guulaysan doono abaal marinta Ballon d’Or waxaana lays waydiinayaa xidigaha ay noqon doonaan kuwa badali doona kuwii sanadkii hore safka hore ku jiray.

Mohamed Salah, Raheem Sterling, Virgil Van Dijk, Sergio Aguero iyo Eden Hazard ayaa ka mid ah ciyaartoyda la filayo in ay sare u soo qaadi doonaan kaalmihii ay kaga jireen abaal marinta Ballon d”Or laakiin kulamada xili ciyaareedkan baaqiga ka ah iyo bilawga xili ciyaareedka cusub ee soo socda ayaa wax badan lagu go’aamin doonaa.

Haddaba akhriste, imisa xidig oo ku jiray liiskii France Football ee Ballon d’Or ayaad filaysaa in ayna sanadkan ka soo muuqan doonin musharixiinta 30 ka xidig ee u ordi doona abaal marintan? Halkan hoose kaga bogo liiskii iyo kala sarayntii musharixiintii France Football ee Ballon d’or 2018 si aad u qiyaasto ciyaartoyda booskooda lumin doona.

29- Hugo Lloris -France & Tottenham

= Isco- Spain & Real Madrid

28- Diego Godin- Uruguay & Atletico Madrid

25- Alisson Becker- Brazil & Liverpool

=Mario Mandzukic- Croatia & Juventus

= Jan Oblak- Slovenia & Atletico Madrid

22- Sadio Mane- Senegal & Liverpool

= Edinson Cavani- Uruguay & PSG

=Marcelo -Brazil & Real Madrid

19- Roberto Firmino- Brazil & Liverpool

= Sergio Ramos- Spain & Real Madrid

= Ivan Rakatic – Croatia & Barcelona

17- Gareth Bale- Wales & Real Madrid

= Karim Benzema- France & Real Madrid

16-Sergio Aguero – Agentina & Man City

15- Pual Pogba – France & Man United

14- Thibaut Courtois – Belgium & Real Madrid

13- Luis Suarez- Uruguay & Barcelona

12- Neymar Jr- Brazil & PSG

11-N’Golo Kante- France & Chelsea

10-Harry Kane- England & Tottenham

9 – Kevin De Bruyne- Belgium & Man CIty

8 – Eden Hazard – Belgium & Chelsea

7 -Raphaël Varane- France & Real Madrid

6 Mohamed Salah- Egypt & Liverpool

5 Lionel Messi – Argentina & Barcelona

4-Kylian Mbappe – France & PSG

3-Antoine Griezmann  – France & Atletico Madrid

2-Cristiano Ronaldo- Portugal & Juventus

1-Luka Modric- Croatia & Real Madrid

Si kastaba ha ahaatee, haddii uu Lionel Messi kaalinta shanaad si layaableh oo aan la rumaysan karin uu uga galay codbixintii Ballon d’Or waxa uu xidiga reer Argentina hadda ku socdaa in uu kooxdiisa ka caawiyo saddexda koob oo ay La Liga haddaba labada gacmood ku haystaan halka ay joogaan finalka Copa Del Rey isla markaana ay soo gaadheen afar dhamaakda UCL.