AFARTAN Shaxood Midkood Ayay Barcelona & Lionel Messi kusoo Shirtagi Doonaan Xilli Ciyaareedka Dambe Oo Ay Kaga Bixi Doonaan Abaarta Champions League.

Barcelona ayaa xilli ciyaareedka dambe awoodeeda oo dhan markale iskugu geyn doonta sidii ay tartanka ugu xiisaha badan qaarada Yurub ee UEFA Champions League ku hanan lahayd.

Waxa ugu weyn ee la filayo inuu hammiga Barca ee xilli ciyaareedkaas kor usoo qaado ayaa ah saxeexyada Neymar JR & Antoine Greizmann kuwaas oo labadoodaba ay isku dayi doonto saxeexooda sida laga soo xigtay il wareedka lagu kalsoonaan karo ee CatRadio.

Neymar ayay wararka qaar sheegayaan inuu heshiiska shaqsiga ah la gaadhay Barcelona isla markaana uu doonayo inuu kusoo laabto kooxda laba sano kaddib markii uu ka baxay isaga oo shuruud kasta ka aqbalay.

Dhinaca kale Greizmann ayaa hore u sheegay inuu suuqa xagaagan ka tagayo Atletico Madrid taas oo hubaal ka dhigaysa inuu koox cusub yeelan doono waxaana ugu cad cad helistiisa Barca.

Haddaba, Waxaanu halkan idiinku soo bandhigi doonaa afar shaxood oo ay u badantahay inay Blaugrana midkood kusoo shirtagto.

Afartan shaxood ayaa gabi ahaanba laga saaray xiddigaha kala ah Coutinho, Rakitic iyo Malcom halka Luis Suarez hal shax oo kaliya lagu daray.

Dhinaca kale hal shax ayaa laga sameeyay suurogalnimada uu tababare Ernesto Valverde kuwada xulan doono Greizmann, Suarez, Messi iyo Neymar.

Dhinaca kale da’yarka Ousmane Dembele ayaa kaliya hal shax lagu daray maadaama oo ay u badantahay in la iibiyo ama qayb lagaga dhigo heshiiska ay Barca Neymar kaga doonayso PSG.

Halkan Kaga Boggo Afartan Shaxood Oo Dhammaystiran

Shaxda Koowaad

Shaxda Labaad

Shaxda Saddexaad

Shaxda Afraad

Haddaba Akhriste haddii aad tahay taageere Barcelona ah una soo joogay dhibaatooyinkii kooxda ee Champions League, Shaxdee ayaa filanaysaa inay Barca kaga bixi karto dhibaatada tartankaas?

 

6 Comments

Comments are closed.