AFAR Saxeex Oo Haddii Man United Ay Helo Lahayd Tartamayaal Dhab Ah Ka Dhigi Karayay Balse Ay Xagaagii Seegtay Oo La Ogaaday & Sababaha Kala Duwan.

Tababaraha kooxda Manchester United ee Ole Gunnar Solskjaer ayaa lagu soo warramayaa inuu toddoba ciyaartoy ka codsaday guddoomiye ku xigeenka kooxdiisa ee Ed Woodward balse uu afar kamid ah ka waayay suuqii xagaaga ee dhawaa.

Manchester ayaa suuqa ka heshay daafaca abid ugu qaalisan ee Harry Maguire, Aaron Wan-Bissaka iyo waliba Daniel James balse wargeyska Express Sport ayaa sheegaya inay afar ciyaartoy oo kale seegeen.

Warbixinta ayaa sheegaysa in Ole uu codsaday saddexdaas xiddig ee kor ku xusan oo lagu daray Jadon Sancho, Paulo Dybala, Sean Longstaff iyo waliba Christian Eriksen.

Aan ku bilawnee sababta ay u seegeen saxeexa Longstaff ayaa ahayd maadaama oo kooxdiisa Newcastle ay lacago aad u badan ku qiimaysay walow Ole uu u arkayay bedelka Ander Herrera oo kooxda ka tagay.

Dhinaca kale sababta ay ku waayeen mucjisada Borussia Dortmund ee Jadon Sancho ayaa ah in kooxdiisu ay lacag 100 Milyan ku doonaysay iyo waliba xiddiga oo aan doonayn koox aan usoo bixin UEFA Champions League.

Dybala iyo Eriksen ayaa iyagu ahaa labada ciyaartoy ee ku dhawaa u dhaqaaqista Old Trafford, Dybala ayay caqabada heshiiskiisu ahayd inuu mushahar aad u badan dalbaday balse ay iska diideen madaxda Man United.

Eriksen oo isagu aad u doonayay ka bixista Tottenham ayaa la sheegay inuu doorbidayay u dhaqaaqista horyaalka Spain sidaas darteedna uu tababaraha ree Norway ka hadhay maadaama oo uusan doonayn ciyaartoy aysan caawinta kooxdu ka go’nayn.