Afar Kooxood Oo Ingiriis Ah Oo Ku Dagaallamaya Philippe Coutinho Iyo Barcelona Oo Doonaysa Inay Talyaaniga Kaga Soo Beddelato Ciyaartoy Kale

Afar kooxood oo horyaalka Premier League ka ciyaara ayaa la wariyey inay xiisaynayaan xiddiga reer Brazil ee Philippe Coutinho, kaas oo Barcelona ay amaah ku siisay Bayern Munich, laakiin dhamaadka xili ciyaareedka dib ugu soo laaban doona Camp Nou.

Xiddigan hore ugu ciyaari jiray Liverpool, ayaa January 2018 ka tegay Anfield, waxaanu ku biiray Barcelona, hase yeeshee waxa uu saldhigi kari waayay kubadda kooxda reer Spain, taas oo keentay in bilo kaddib amaah loogu diro Munich oo loo raaciyey doorasho ah inay iibsan karto marka ay amaahdu ka dhamaato, laakiin kooxda reer Germany oo aan ku qancin bandhig ciyaareedkiisa ayaa go’aansatay inay dib ugu celiso Camp Nou.

Sida uu qoray wargeyska Mirror, afar kooxood oo ka ciyaara Premier League ayaa muujiyey xiise ay u qabaan 27 jirkan kubbad-sameeyaha ah, waxaana ay dhamaantood isku dayi doonaan inay soo qaataan marka uu furmo suuqa iibka ciyaartoyda ee xagaaga soo aaddan.

Chelsea, Manchester United, Arsenal iyo Tottenham ayaa dhamaantood isku diyaarinaya dagaal ay ku kala jiidan doonaan Coutinho, laakiin waxa la fahamsan yahay in Barcelona ay ku xidhi doonto £100 milyan oo Gini oo ah lacagtii ay markii horeba weydiisatay Bayern Munich.

Kooxaha qaarkood, waxa caqabad ku noqon doonta mushaharka waallida ah ee uu Coutinho qaato usbuucii oo ka mid ah sababaha ay Munich ku diidday inay haysato, waxaana toddobaadkii uu qaataa £240,000 Gini, hase yeeshee naadiyada tunka weyn sida Blues iyo Red Devils waxay awoodaan inay iska bixiyaan lacagtaas, inkasta oo ay ka warwereegi doonaan inay gaadhaan £100 milyan ee iibka ah.

Dhinaca kale, Barcelona ayaa la sheegay inay qorshaynayso in xiddigan uu qayb ka noqdo heshiiska laacibka ay raadinayso ee Lautaro Martinez oo Inter Milan ka tirsan, waxaanay rabtaa inay isku darto Coutinho iyo lacag kaash ah.

Si kastaba ha ahaatee, dhamaadka xili ciyaareedka ayaa la ogaan doonaa sida xaal noqdo, xilligaas oo kubbad-sameeyaha reer Brazil ee iska soo xaadirin doono garoonka Camp Nou.