Afar Kooxood Oo England Ah, Saddex Germany Ah, Labada Milan & PSG Oo Kaliya HAL Ciyaartoy Ku Tartamaya & Waxa Uu Kusoo Jiitay Xiisaha TOBBAN Kooxood.

Weeraryahanka ree Spain ahna xiddiga kooxda dalka Croatia ee Dinamo Zagreb ka tirsan laguna magacaabo Dani Olmo ayaa markaliya helay shacbiyad waali ah iyo xiiso uga imanaya tobban kamida kooxaha ugu waaweyn Yurub.

Olmo ayaa markaliya soo jiitay kooxaha ugu tunka weyn Yurub waxaana looga wacayaa tobbanka kooxood ee kala ah Manchester United, Chelsea, Liverpool, Arsenal, Bayern Munich, Borussia Dortmund, Bayer Leverkusen, Inter, AC Milan iyo PSG.

Manchester United ayaa lagu sifeeyay kooxda isku day day inay cidkasta kaga hormarto inta uusan kululaan dagaalka loogu jiro saxeexiisu isla markaana ka gudbisay dalab 40 Milyan ah walow aan la shaacin jawaabta ay heshay.

Olmo ayaa waayihiisa ciyaareed kasoo bilaabay kooxda Barcelona balse waxa uu si dhammaystiran ugu hano qaaday Dinamo oo uu 26 gool ugu soo dhaliyay 102 kulan.

Sidoo kale weeraryahankan ayaa xiiso ka helay wakhti hore kooxaha dalkiisa ee Barcelona iyo Real Madrid waxaana uu yidhi hadal ahaa “Way wanaagsan tahay in laga fikiro inaad dalkaaga ka ciyaari karto markale”

Haddaba, Maxay tahay sababta uu Olmo kusoo jiitay dhammaan tobbankaas kooxood ee loolanka ugu jira ee uu ku kasbaday tartankooda?

Xiddigan ayaa xiisaha uu kooxahan ka helayo ku helay wacdarihii uu kasoo dhigay tartankii Euro U21 ee uu maalmo kahor xulkiisa Spain la qaaday isagoo waliba ahaa shaqsiga dhaliyay goolka guusha.