Wararka Suuqa Kala Iibsiga Man United Iyo Liiska 13-ka Ciyaartoy Ee Man United Lagula Xidhiidhinayo Suuqa Kala Iibsiga Ciyaartoyda.

Liiska Ciyaartoyda Man United Lala Xidhiidhinayo ee ay Suurtogalka Tahay In Ay Qaar La soo Saxiixan karto:

1-Thomas Meunier – Manchester United ayaa wada xaajoodyo dheeraad ah la yeelatay xidiga kooxda PSG ee Thomas Meunier kaas oo ay ku doonayso £22m waxayna hadda United waaxayna United ka cadhootay xidigii Crystal Palace ee Aaron Wan-Bissaka.

2-Gianluigi Donnarumma – Manchester United ayaa doonays ain ay AC Milan kala soo wareegto goolhaye Donnarumma si uu badal ugu noqdo David De Gea oo iska diiday in uu heshiis cusub saxiixo.

3-Elseid Hysaj – Man United ayaa bartilmaameed ka dhiganaysay xidiga kooxda Napoli ee Elseid Hysaj kaas oo hadda cadeeyay in uu doonayo sidii uu Napoli uga bixi lahaa.

4-Toby Alderweireld – Manchester United ayaa todobaadka soo socda go’aan ka gaadhaysa haddii ay la soo wareegayso difaaca waqtiga dheer diirada u saarnaa ee Toby Alderweireld kaas oo heshiiskiisa Tottenham lagu burburin karo 25 milyan gini.

5-Joao Felix – Manchester United ayaa kooxda ay dariksa yihiin ee Man City iyo kooxo kale oo badan kula tartamaysa da’yarka kooxda Benfica ee Joao Felix kaas oo heshiiskiisa Benfica lagu burburin karo 120 milyan yuro.

6-Harry Maguire – Man United ayaa markale isku dayi doonta in ay Leicester City kala soo wareegto difaaca dhexe ee xulka England ee Harry Maguire laakiin xidigan ayaa sheegay in uu hadda diirada saarayo waajibka xulka qarankiisa England ee kulamada UEFA Nations League.

7-Daniel James – Man United ayaa heshiiska shaqsiga ah la gaadhay xidiga kooxda Swansea City ee Daniel James kaas oo ay dhawaan ku dhacday geerida aabihii oo si kadis ah u dhintay waxayna United doonaysaa in ay heshiiska xidigan dhamaystirto.