AC Milan Oo Si Weyn U Dooneysa Saxiixa Goolhaayaha Man United Ee David de Gea, Hadii Ay Dhacdo In Safka Kooxdeeda Uu Ka Baxo Gianluigi Donnarumma.

Sida ay baahinayaan wararka ka imaanaya gudaha dalka Spain kooxda ree Talyaani ee AC Milan Ayaa waxay dooneysaa lasoo saxiixashada goolhaayaha kooxda Manchester United ee ree Spain David de Gea, marka uu dib u furmo suuqa soo aadan ee ciyaaryahanda.

“Mundo Deportivo” ee kasoo baxda gudaha dalka Spain ayaa waxay baahisay in kooxda Rossoneri ay si weyn u dooneyso soo qaadashada David de Gea, waa hadii ay dhacdo in garoonkeeda San Siro Stadium uu ka baxo goolhaayaheeda da’ada yar ee ree talyaani Gianluigi Donnarumma.

Balse wararka ayaa waxay sidoo kale intaa ku sii darayaan in AC Milan uusan bar-tilmaameed u ahayn kaliya Goolhaaye David de Gea, balse waxay sidoo kale isha ay ku hayaan adeega goolhaayaha kooxda Real Madrid ee Keylor Navas iyo kan amaahda kaga maqan kooxda Man City ee  Joe Hart.

17 jirkan shabaqa u ilaaliya kooxda AC Milan ayaa wuxuu ka soo muuqday safka kooxdiisa Rossoneri 50 kulan, wuxuuna haatan bar-tilmaameed buuxa u yahay qaar ka mid ah kooxaha ugu waaweyn qaarada yurub, sida  Real Madrid, Manchester United iyo  Juventus.

Comments

comments