Abaalmarinta Xiddiga Sanadka Qaarada Asia Oo La Bixiyay & Daafac Muslim Ah Oo Ka Guuleystay Xiddigihii Ree Japan Ee AFC Champions League Soo Hantay.

Daafaca ree Qatar ee Abdelkarim Hassan ayaa loo magacaabay abaalmarinta xiddiga sanadka ee qaarada Asia, Abaalmarintan oo ah mid sanadle ah ayuu daafacani kaga guuleystay xiddigo ree Japan ah oo iyagu kusoo guuleystay Champions League-ga qaarada Asia.

Hassan ayaa abaalmarintan lagu gudoonsiiyay magaalada Muscot ee caasimada dalka Cumaan waxaana uu ku mutay bandhigyadii wacnaa ee kooxdiisa uu kaga saaciday inay gaadho wareega afar dhammaadka ee AFC Champions League.

Qatari defender Hassan named Asian Player of the Year

Daafacan oo dareenkiisa cabiray kaddib hanashadiisa abaalmarintan muhiimka ah ayaa sheegay aysan guushani isaga kaliya sharaf u ahayn balse ay tahay mid sidoo kale sharaf u ah kooxdiisa iyo wadankiisaba.

Dhinaca kale Abdelkarem Hassan ayaa qirtay in uu filanayay inay abaalmarintan hanan doonaan xiddigihii tartanka kula jiray ee ree Japan Kento Misao iyo Yuma Suzuki  maadaama oo ay kusoo guuleysteen tartanka qaarada.

Hassan ayaa isaga oo arrimahaas ka hadlaya yidhi “Aad baan ugu faraxsanahay inaan helo abaalmarintan, Waa sharaf, Maaha mid aniga kaliya sharaf ii ah balse sidoo kale kooxdayda iyo wadankayga, In la ila magacaabo laba xiddig oo Japanese ah waa sharaf, Manaan filayn inaan ku guuleysanayo”

Dhinaca kale, Hassan waxa uu farxad ka muujiyay inuu yahay xiddigii labaad ee ree Qatar ah ee abaalmarintan ku guuleysta tan iyo 2011 markaas oo uu ku guuleystay Khalfan Ibrahim.

“Waan u han weynahay inaan gaadhay Khalfan Ibrahim, Sida iska cad isagu waa mid kamid ah xiddigaha ugu waaweyn ee Qatar”