Abaalmarinta Ballon d’Or Waa Been Abuur, Waxa Jira Olole Badan Oo Ay Sameeyaan Kooxaha Iyo Saxaafadu!!.



Daafaca Bidix ee kooxda Barcelona iyo xulka qaranka Spain ee Jordi Alba ayaa noqday shaqsigii ugu dambeeyay ee weerar culus ku qaada hanaankii loo bixiyay abaalmarinta Ballon d’Or sanadkan isaga oo ka cadhaysan in xiddiga kooxdiisa ee Lionel Messi faro madhnaan la diray.

Wargeyska ree France ee France Football ayaa sidii caadada ahayd bixiyay xiddiga sanadka ee dunida kubadda cagta waxaana markan ku guuleystay xiddiga Real Madrid ee Luka Modric xilli Messi booska shanaad la dhigay.

Ballon d'Or is a lie – Alba says Messi is world's best.

Alba ayaa sheegay in abaalmarinta Ballon d’Or ay tahay mid been abuur ah oo aan si dhab ah uga turjumayn xiddiga ugu fiican sanadka balse ay sidoo kale jiraan waxyaabo saameeya sida olole ay kooxo sameeyaan iyo saxaafada oo ku lug yeelata.

Dhinaca kale, Xiddigii hore ee Valencia ayaa kaddib kulanka Espanyol u jawaabay halyeeyga ree Brazil ee Pele oo dhawaanahan hadalo eedayn ah hawada u marinayay Messi.

Jordi Alba oo arrimahaas ka hadlaya ayaa yidhi “Ballon d’Or waa been abuur waxa jira olole badan oo ay sameeyan kooxaha iyo saxaafadu, Qofkasta wuu ogyahay in Messi yahay ciyaartoyga ugu fiican dunida”

“Waxa suurogal ah in Pele uusan waxba si fiican u arag haddii uu sidaa ka yidhi Messi, Isagu (Messi) waxa uu leeyahay waxkasta”

Si kastaba ha ahaatee, Kabtanka Barcelona ayaa markale dunida tusay wax ay ku qancaan kaddib markii uu laba gool oo laadka xorta ah ku yimid ka dhaliyay Espanyol kulan ka tirsan La Liga.