Abaalmarinta Ballon d’Or Sanadkan Waxa Ay Leedahay Kaliya Hal Magac, Magacaasina Waa Luka Modric!!.

Xiddiga xulka Croatia ee Pedja Mijatovic ayaa markiisa ka hadlay murashaxiinta sanadkan ee abaalmarinta Ballon d’Or waxaana uu hanashada abaalmarintaas taageere weyn ugu muujiyay xiddiga qarankiisa ee Luka Modric oo tartamayasha ugu cad cad ka qayb ah.

Modric ayaa Real Madrid kula guuleystay tartanka ugu xiisaha badan heer kooxeed ee Champions League isagoo dhinaca kale xulkiisa Croatia u qaaday kulanka kama dambeysta ah ee tartanka Koobka Aduunka.

Isagoo jira da’da 33, Modric ayaa tartame dhab ah u ah Ballon d’Or waxaana uu dhawaan ku guuleystay abaalmarinta ciyaaryahanka sanadka ee majalada GQ magazine, Pedja ayaana difaacay murashaxnimada xiddigan iyo hanashadiisa Ballon d’Or oo go’aankeeda la gaadhi doono 3-da December.

Mijatovic oo ka hadlaya fursada Luka ayaa yidhi “Waxa uu soo qaatay sanad cajiib ah oo heer shaqsiyeed iyo mid wadareedba ah, Waxa uu ku guuleystay Champions League isaga oo Croatia geeyay Final-ka Koobka Aduunka”

“Isagu waa ninka sanadkan waxaanan filayaa inuu yahay midka noqon doona guuleystaha Ballon d’Or, Ma arko ciyaartoy leh mudnaan Luka, Waxa jira ciyaartoy kale oo dalbanaya abaalmarinta balse Ballon d’Or waxay leedahay kaliya hal magac, Luka Modric”

Si kastaba ha ahaateee, Modric ayaa murashaxa ugu cad cad ee abaalmarintan loo arkaa walow uu loolan adag kala kulmi doono xiddigo badan oo ay ugu horreeyaan saddexleyda Raphael Varane, Kylian Mbappe iyo Antoine Greizmann oo koobkii aduunka kusoo guuleystay.