Abaal Marinta Ballon d’Or Oo Luka Modric Heshiis Cusub U Goysay Iyo Dariiqii Toni Kroos Oo Uu Dhawaan Raacayo.

Real Madrid ayaa kala saaraysa ciyaartoyda kooxdeeda waxayna ka dhigaysaa kuwo heshiisyo cusub laga saxiixayo oo qayb ka ah qorshaha Zidane ee xili ciyaareedka cusub.

Laakiin qayb kale oo ciyaartoyda Madrid ah ayaa wali ku jaho wareersan halka ay ka ciyaari doonaan xili ciyaareedka soo socda kadib markii uu Zidane u sheegay in ayna qorshihiisa ku jirin.

Real Madrid ayaa todobaadkan heshiis cusub ka saxiixatay Toni Kroos laakiin waxaa soo baxay war kale oo cadaynaya in markii uu Luka Modric ku guulaysatay abaal marinta Ballon d’Or ay u goysay heshiis cusub oo uu saxiixa oo kaliyi ka dhiman yahay.

Dhamaadkii sanadkii 2018 ayuu Luka Modric ku guulaystay abaal marinta Ballon d’Or  waxayna kadib maamulka kooxdiisa Madri isla qaateen in uu heshiis cusub saxiixo kaas oo hadda qalinka lagu duugi doono.

Wargayska Marca ayaa shaaciyay in heshiis kordhinta Luka Modric ee Real Madrid ay tahay mi dhamaystiran balse uu ka hadhsan yahay oo kaliya in lagu dhawaaqo oo la saxiixo.

Waxay tani la micno tahay in Zidane uu kooxdiisa ku sii haysan doono Toni Kroos iyo Luka Modric oo ahaa labadii xidig khadka dhexe ee uu saddexda koob ee Champions League ahaa sida xidhiidhka ah ugu soo guulaystay.

Inkasta oo uu Luka Modric ka mid ahaa ciyaartoydii ugu qaab ciyaareedka liitay xili ciyaareedkan ee kooxdiisa Real Madrid, haddana maamulka sare ee Madrid ayaa doonaya in aanu kooxda ka bixin xidiga reer Croatia ee Modric.

Zidane ayaa si wayn u aaminsan Luka Modric kaas oo la filayo in xili ciyaareedka cusub uu isku dayi doono in uu ka soo kabsado xaaladii xumayd ee uu xili ciyaareedkan ku soo jiray.

Inkasta oo ay Real Madrid doonayso Pual Pogba, Christian Erikson iyo xidigo kale oo khadka dhexe ah, haddana heshiiskii cusbaa ee laga saxiixay Kroos iyo kan uu hadda saxiixi doono Modric ayaa muujinaya in Zidane uu doonayo in uu koox xoogan diyaarsado.

Real Madrid ayaa xili ciyaareedkan koob la’aan ku dhamaysatay waana arin walwal badan ku abuurtay boodhka iyo madax wayne Perez oo waqti adag soo maray.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa xafiisyada Bernabeu ka socoda kala soocida iyo kala shaandhaynta ciyaartoyda uu hadda Zidane ku haysto Madrid kuwaas oo qaar badan laga diri doono Bernabeu.