AARSASHO: Tababare Luis Enrique Oo Ka Aarsaday Jordi Alba Isaga Oo Ka Saaray Liiska Xulka Qaranka Spain Ee UEFA Nations League Iyo Colaadoodii Oo Sii Xumaatay.

Tababaraha xulka qaranka Spain ee Luis Enrique ayaa ku dhawaaqay liiska ciyaartoyda xulkiisa ee uga qayb gali doona tartanka cusub ee UEFA Nations League wuxuuna Enrique liiska xulkiisa ka saaray difaaca bidix ee Jordi Alba kaas oo cadho wayn kala dul dhacay macalinkiisii hore ee Barcelona markii uu shaqada Camp Nou ka baxay.

Luis Enrique ayaa xili ciyaareedkiisii ugu danbeeyay Barcelona shaxdiisa u badalay saddex difaac ah taas oo meesha ka saartay difaac danbeedyadii uu Jordi Alba ka midka ahaa wuxuuna waqtigaas is arkay isaga oo kursiga kaydka ku caajisay balse markii uu Enrique baxay waxa uu Alba saxaafada ku soo bandhigay cadhadii uu ka qaaday Enrique iyo sida uu ugu faraxsanaa in Ernesto Valverde uu kooxda la wareegay.

Hadda waxay u muuqataa in colaadaasi ay meel xun gaadhay kadib markii uu Luis Enrique uu ku dhawaaqay liiska xulka qarankiisa Spain ee tartanka UEFA Nations League isla markaana uu ka saaray Jordi Alba inkasta oo uu door muhiim ah ku soo lahaa xulka qarankiisa Spain.

Xulka qaranka Spain ayaa kulamada caalamiga ah ee soo socda la ciyaari doona England iyo Croatia waxayna kulamadani dhici doonaan September 8 & 11 waxayna ka qabsoomi doonaan magaalooyinka London iyo Elche sida ay u kala horeeyaan.

Enrique ayaa liiska xulka qarankiisa Spain ku soo daray Inigo Martinez, Marcos Alonso, Gaya, Albiol, Azpilicuata, Rodri, Dani Ceballos, Suso iyo waliba Rodirgo halka Alvaro Morata oo koobkii aduunka seegay oo liiksa xulka qaranka Spain ku soo laabtay.

LIISKA XULKA QARANKA SPAIN EE UU ENRIQUE MARKII UGU HORAYSAY MAGACAABAY:

Goolhaye: De Gea, Kepa iyo Pau López.

Difaaca: Carvajal, Azpilicueta, Albiol, Nacho, Ramos, Íñigo Martínez, Marcos Alonso, Gayá.

Khadka Dhexe: Busquets, Sergi Roberto, Rodri, Saúl, Thiago, Dani Ceballos.

Weerarka: Isco, Asensio, Morata, Diego Costa, Suso, Rodrigo.