Aarsashadu Macaanaa? Bayern Munich Oo Xasuuqii Ay Kala Kulantay Eintracht Frankfurt Si La Mid Ah Uga Aarsatay Iyo Dortmund Oo Ay Balan Adag Ka Samaysatay.

Bayern Munich ayaa samaysay aar gudasho layaableh kadib markii gumaadkii kooxda Frankfurt  ay si buuxda uga soo guteen kulan xiiso badnaa oo Allianz Arena ka dhacay.

Bayern Munich oo hore kulankii xili ciyaareedkan guuldaro 5-1 ah kala soo laabtay kooxda Frankfurt  isla markaana shaqadii tababaranimo ee Niko Kovac looga caydhiyeey, waxay markeeda Bayern kooxda Frankfurt  ku gumaaday 5-2.

Kulanka kooxaha Bayern Munich iyo Frankfurt ayay iska dhaliyeen 7 gool halka kulankii hore ay iska dhaliyeen 6 gool taas oo la micno ah in 11 gool ay laba kulan oo xili ciyareedkan ay Bundesliga ku kulmeen ay iska dhaliyeen.

Bayern Munich ayaa guushan gaadhay waqti kooban kadib markii ay Borussia Dortmund iyaduna guul sii gaadhay taas oo la micno ah maalinta talaadada soo socota ay labadan kooxdood ee Bayern Munich iyo Borussia Dortmund ku balansan yihiin kulanka kubbada cagta Jarmalka ugu wayn ee Der Klassiker.

Shixihii Labada Kooxood Ee Kulankan

Bayern Munich XI vs Frankfurt: Neuer, Pavard, Boateng, Alaba, Davies, Kimmich, Goretzka, Muller, Perisic, Coman, Lewandowski

Frankfurt XI vs Bayern Munich: Trapp, Da Costa, Ndicka, Ilsanker, Hinteregger, Fernandes, Gacinovic, Rode, Toure, Kostic, Silva

Goolasha daadka ahaa ee kooxda Bayern Munich waxaa daqiiqadii 17 aad daah furay Leon Goretzka kaas oo Bavaria hogaanka u dhiibay xili muhiim ah.

Laakiin intii ayna dhamaaan qaybtii hore ee ciyaartu ayuu Thomas Muller kooxdiisa Bayern Munich hogaanka u dheereeyay wuxuuna ciyaarta qaybtii hore ku soo idleeyay 2-0 ay Bayern hogaanka ku haysay.

Daqiiqadii ugu horaysay ee qaybtii labaad waxa uu Roberto Lewandowski dhaliyay goolka saddexaad ee Bayern Munich si uu ciyaarta uga dhigo 3-0 ay Bayern hogaanka ku sii dheeraysatay.

Laakiin ciyaarta ayaa xiiso layaableh yeelatay kadib markii ay kooxda Eintracht Frankfurt la timid laba gool oo deg deg ah waxaana goolashan si daran doori ah u dhaliyay Martin Hinteregger oo saddex gool oo midi iska dhalis yahay kulankan looga diwaan galiyay.

Martin Hinteregger ayaa daqiiqadihii 52 aad iyo 55 aad waxa uu kooxdiisa Frankfurt u dhaliyay labada gool ee ay u muuqdeen in ay ciyaarta ugu soo laabanayaan wuxuuna ciyaarta ku soo celiyay 3-2 ay Bayern iskula yaabtay sida lagu qabtay.

Balse waxaa rajada Frankfurt, markii Bayern Munich keensatay goolkeeda afraad oo yimid daqiiqadii 61 aad kadib markii uu Alphonso Davies uu shabaqa booqday waxayna ciyaartu noqotay 4-0 waxaana Bayern Munich ka soo baxday neeftii lagu celiyay.

Daqiiadii 74 aad xidigii Frankfurt ciyaarta dib ugu soo celiyay ee Martin Hinteregger ayaa Bayern Munich ka caawiyay goolkooda shanaad kadib markii uu iska dhaliyay ee uu diwaan gashaday saddexley aan loo baahnayn oo hal mid uu shabaqa kooxdiisa ku taabtay.

Halkan kaga bogo Sidii xaaladu u waalnayd Kulankan.

Daqiiadii 17′: Bayern 1-0 Eintracht
daqiiqadii 41′: Bayern 2-0 Eintracht
Daqiiqadii 46′: Bayern 3-0 Eintracht
Daqiiadii 52′: Bayern 3-1 Eintracht
Daqiiadii 55′: Bayern 3-2 Eintracht
Daqiiqadii 61′: Bayern 4-2 Eintracht
Daqiiadii 74′: Bayern 5-2 Eintracht (iska dhalis)

Sida Ugu Sahlan Ku Hel Wararka Ciyaaraha,Halkan Ka Dajiso App-ka Gool24.net RIIX HALKAAN OO HEL APPKA.

LIKE OUR OFFICIAL FACEBOOK PAGE Gool24 Facebook

Halkan Fikiradaada Noogu Dhaaf

Email-kaaga Lama Daabici Doono.


*