Aaron Wan-Bissaka Waa Daafaca Midig Ee Ugu Wanaagsan England Xataa Waxa Uu Ka Horreeyaa Trent Alexander Arnold & Kyle Walker!!.

Daafacii hore ee kooxda Manchester United ee Paul Parker ayaa amaan ugu qubeeyay saxeexa cusub ee kooxdiisii ee Aaron Wan-Bissaka isaga oo xataa dhaafiyay daafacyada la booska ah ee la jooga Premier League.

Wan-Bissaka ayaa dhawaan kaga soo biiray Manchester dhinaca kooxda Crystal Palace isaga oo ku yimid lacag £50 Milyan ah balse la filayo inuu wax badan kusoo kordhin doono booskii daafaca midig ee ay dhibaatadu kasoo haysatay.

Parker oo isagu wakhtigiisii Manchester soo ahaa daafac midig oo wanaagsan isla markaana khibrad u leh booskaas ayaa qaba in Wan-Bissaka uu ka fiican yahay Alexander Arnold oo Liverpool wacdarro kusoo dhigay iyo Kyle Walker oo ah daafaca midig ee Man City.

Paul Parker ayaa fikradiisa ku saleeyay awooda daafac ee 21 jirkani uu soo muujiayay xilli ciyaareedkii hore isaga oo aaminsan inuu ka difaacasho wanaagsan yahay labada xiddig ee aan kor kusoo xusnay.

Paul oo arrimahaas ka faaloonaya ayaa yidhi “Waxaan arkay Wan-Bissaka oo ciyaaraya in badan xilli ciyaareedkii hore kulamada mininka iyo martida labadaba isaga oo matalayay Crystal Palace, Aniguna waxaan si joogto ah u odhan jiray isagu waa daafaca midig ee ugu fiican dalka (England)”

“Waxa laga yaabaa inay dadku sheegaan Trent Alexander Arnold ama Kyle Walker laakiin ka daafac midig ahaan, Waxkasta waxa ugu horreeya ka No.2 ahaan waa inaad awoodo inaad difaacato isaguna sida cad wuu difaacan karaa”

“Isagu waa daafaca midig ee ugu fiican xaalada hal ka halka ah shaki la’aan, Dadku isaga way dhaafi karaan laakiin waxa uu leeyahay xawaare wanaagsan, Isagu wuu garanayaa wakhtiga ay tahay inuu taakal sameeyo”

“Wuu isku tuuraa (Ciyaartoyga kasoo horjeeda) waxaana uu qaabka uu u difaacdo igu xasuusiyaa Des Walker, Waa mid leh lugu dhaadheer laakiin waxa uu dhulka u daboolaa si deg deg ah”.

Ugu dambayn, Aaron Wan-Bissaka ayaa xilli ciyaareedka soo socda lagu qiimayn doonaa sida uu uga soo baxo lacagta badan ee ay kasoo bixisay Manchester iyado haddii uu ka gacan sarreeyo Walker iyo Arnold oo horeba isku soo muujiyay.