Aaron Ramsey Oo Diyaar U Ah In Uu Wada Xaajoodyo La Yeesho SHAN Kooxood Oo Yurub Ah-Miyay Kooxdaadu Ku Jirtaa Daalka Ramsey Loogu Jiro.

Suuqa bisha January ayaa si rasmi ah u furmay waxaana hadda dagaal wayn loogu jiraa xidiga kooxda Arsenal ee Aaron Ramsey kaas oo xaq u yeeshay in uu la xoojoon karo kooxda uu doonayo maadaama oo ay lix bilood oo kaliyi ka hadhsan yihiin waqtiga uu dhacayo qandaraaskiisa Arsenal.

Aaron Ramsey ayaa maraya dariiqii Alexis Sanchez uu maray sanad ka hor waqtigan oo kale waxayna maamulka Gunners markale ku fashilmeen in ay xidig muhiim ka ah kooxdooda ay si xor ah ku lumin karaan ama ay ku iibin karaan lacag aad uga hoosaysa qiimihiisa dhabta ah.

Ramsey ayaa haysta fursada uu bishan January kaga bixi karo Emirates Stadium waxaana ku dagaalamaya shan kooxood oo Yurub ka dhisan kuwaas oo uu wada xaajood la yeelan doono si uu u qaato go’aanka ugu fiican ee dhaqaale ahaan  iyo waayihiisa ciyaareedka ugu fiican.

Aaron Ramsey ayaa tixgalinaya in uu ku biiro mid ka mid ah kooxaha Bayern Munich, Inter Milan, Juventus, Paris St-Germain iyo Real Madrid waana war aad ugu fiican Arsenal oo markii hore ka walwal qabtay in Ramsey uu ku biiro kooxa ay Premier league ku xifiltamayaan oo ay Liverpool ugu horaysay.

Ramsey ayaan wali wax go’aan ah ka gaadhin mustaqbalkiisa balse waxa uu hadda u furan yahay in uu wada xaajood la yeesho shanta kooxood ee aan soo sheegnay iyada oo waliba la filayo in liiska kooxahani uu sii kordhi doono.

Ramsey ayaa Arsenal ku soo biiray sanadkii 2008 kii wuxuuna Emirates stadium ku soo qaatay toban sanadood oo dhamaystiran isaga oo waqtigaas ugu soo biiray 4.8 milyan gini oo kaliya laakiin waxa uu kooxda u soo saftay 352 kulan oo uu ku soo dhaliyay 60 gool

Ramsey ayaa Arsenal kula soo guulaystay saddex koob oo FA Cupka ah waana sanadihii 2014,2015 iyo waliba 2017 laakiin waxay hadda u muuqataa in maalmihii Ramsey ee Gunners ay tirsan yihiin iyada oo haddii uu bisha January baxo ay Arsenal ka heli doonto lacag aan u qalmin adeegiisii halkii ay si xor ah u kulmin lahayd dhamaadka xili ciyaareedkan.

Inkasta oo aan meesha laga saari karin xiisaha kooxaha Premier league u hayaan Ramsey, haddana wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya in xidiga reer Wales uu wada xaajood la yeelan doono shaxda kooxood ee kala ah Bayern Munich, Inter Milan, Juventus, Paris St-Germain iyo Real Madrid .