Aabihii Ayaa Ku Dhalay! Wiilka Lionel Messi Ee Thiago Oo Hadda Ku Ciyaaraya Kulanka El Clasico Ee Ciyaar Gacmeeda Iyo Qaabka Uu Aabihii Ula Ciyaarayo.

Lionel Messi ayaa u muuqda mid wiilkiisa u diyaarinaya kulanka El Clasico iyo sidii uu kubbada cagta uga gaadhi lahaa heer fiican kadib markii ay xaaska Messi ee Antonella Roccuzzo iyo xidiga ree Argentina laftiisu ay baraha bulshada soo dhigeen wiilka carruurtooda ugu wayn ee Thiago oo aabihii la ciyaaraya PlayStation ama ciyaar gacmeeda isla markaana ay doorteen kulanka El Clasico ee Barcelona iyo Real Madrid.

Sawirka Lionel Messi iyo wiilkiisa Thiago kuwada jiraan ee ay ciyaar gacmeeda PlayStation ku wada ciyaarayaan waxaa laga arki karaa Thiago oo xidhan maaliyada ama garanka Barcelona iyo Messi oo xidhan pyjamas halka markaas ay natiijada kulankooda El Clasico uu marayay 3-1 ay kooxda Barcelona ku hogaaminaysay Real Madrid inkasta oo ayna kala cadayn Messi iyo Thiago midka Real Madrid ku ciyaarayay.

Sawirka uu Lionel Messi la wadaagay malaayiinta qof ee aduunka kaga xidhan ayaa ku soo aaday waqti haddaba la sii dareemayo kulaylka kulanka El Claisco oo la ciyaari doono December 23 ,2017 laakiin xidiga ree Argentina ayaa wiilkiisa iyo qoyskiisa la qaatay maadaama oo laga soo fasaxay waajibaadkii xulka qarankiisa Argentina.

Thiago oo ah wiilka ugu wayn carruurta Lionel Messi iyo xaaskiisa Antonella Roccuzzo ayaa hadda u sii tababaraya kubbada cagta isaga oo aabihii ka dhaxlaya tilmaamaha uu uga baahan yahay in uu ka helo wuxuuna Messi rajaynayaa in wiilkiisu uu raaco dariiqii uu kubbada cagta ugu soo guulaystay.

Lionel Messi iyo Luis Suarez ayaa maanta qayb ka noqom doona tababarka uu Valverde bixin doono ee ay kooxda Balaugrana ugu diyaar garoobayso kulanka Leganes iyaga oo sabtida u safri doona Madrid waxayna sidoo kale ilgaar ah ku eegi doonaan kulanka Estadio Wanda  ee Atletico Madrid iyo Real Madrid.

 

Comments

comments