Aabaha Dhalay Andres Iniesta Oo Ka Hadlay Halka Uu U Dhaqaaqi Doono Wiilkiisa Kadib Marka Uu Ka Tago Kooxda Barcelona Dhamaadka Xili Ciyaareedkan.

Dhowr maalmood kadib waxaa kala tagi doona Andres Iniesta iyo kooxda Barcelona, kadib marka uu ka dhaqaaqo dhamaadka xili ciyaareedkan garoonka Cump Nou, maadaama uu dhawaan ku dhawaaqay inuu ka dhaqaaqi doono dhamaadka xili ciyaareedkan, isagoo aanan ka hadlin halka uu kusii jeedo, taasoo loo badinayo inay tahay horyaalka China super League.

Laakiin aabaha dhalay Andres Iniesta ayaa wuxuu ka hadlay ka tagitaanka wiilkiisa ee kooxda Barcelona iyo  inuu u dhaqaaqi doono Koonfur Aasiya wuxuuna yiri: “Ma aan moodeenin in wiilkayga uu gaari doono guulahan xirfadiisa kubada cagta, hada waxaan soo gaarnay xaalad adag, kadib markii uu go’aansaday inuu ka dhaqaaqo Barcelona mudo fog kadib”.

José Antonio Iniesta oo ah aabaha dhalay xidiga kooxda Barcelona ayaa wuxuu hadalkisa sii raaciyay: “Iniesta wuxuu sii wadi doonaa ciyaarista kubada cagta, laakiin wuxuu ka fogaan doonaa qaarada yurub, xili kasta waxaan taagnaa garabkiisa, gurigeyga kama uusan fogeen masaafo fog kiisa, laakiin hada ma jiri doonto fursad maalin kasta ah sida aan jeclaa inaan sameeyo, laakiin waxaan ku badali doonaa in aanaan kuwada xidhiidhno taleefan”.

Antonio Iniesta ayaa wuxuu hadalkiisa kusoo xidhay ka hadlida safarka Andres Iniesta ee dalka Shiinaha wuxuuna yidhi: “Waxaan leenahay shirkada soo saara khamriga ee aan sidaas u weyneen waxaa ka howl gala 40 shaqaale laakiin waxaan ka iibinaa in ka badan 40 dal ee caalamka ah, hada waxaan jirta fursad weyn ee ah dalalka Shiinaha, Mareykanka iyo Australia”.