Kooxdee Ayaa Ku Guuleysan Doonta Xili Ciyaareedkan Champions League-ga? Ma Ahan Real Madrid Mana Ahan Man City! Waxaa Ka Jawaabaya Dietmar Hamann.

Waxaa jiray xiliyadii lasoo dhaafay hadalo badan ee ku saabsan in kooxda Manchester City ay xili ciyaareedkan qaadaneyso qaab ciyaareed cajiib ah, waxayna falanqeeyayaasha iyo indha indheyneyaashu kubada cagta ay u arkaan inay tahay musharaxa ugu fiican ee Champions League xilli ciyaareedkan ku guuleysan kara.

Manchester City ayaa shaqadii ugu badnayd sii qabsatay kulankii lugtii hore ee UEFA Champions League-ga wareegiisa 16ka kooxood kadib markii ay 4-0 ku soo xaaqday kooxda ree Switzeraland ee FC Basel. Kooxda Guardiola ayaa muujisay sida ay xili ciyaareedkan halis wayn ugu tahay koox kasta oo ay kaga hor timid afarta tartan ee ay qaybta ka tahay.

Laakiin laacibka reer Germany iyo kooxda Liverpool Dietmar Hamann ayaa wuxuu xambaarsan yahay ra’ayi ka duwan dadka kale ee ku aadan arintan wuxuuna yidhi: “Real Madrid waxay u baahneed kaliya inay horumar ku sameyso safka kooxdeeda suuqii xagaaga ee lasoo dhaafay, balse ma aysan sameynin, sidaasi darteed waxaan u maleynayaa in PSG ay qaadaneyso qaab ciyaareed cajiib ah, waxayna u badan tahay in ay Los Blancos ka cidhib tiri doonto xili ciyaareedkan Champions League-ga”.

Dietmar Hamann ayaa wuxuu hadalkiisa intaa kusii daray: “Marka ay tahay ka hadalka arinta Manchester City waxaa suuragal ah in koobka Champions League-ga ay ku guuleysan doonto sanad ama laba sano kadib, balse ilama ahan in ay xili ciyaareedkan sidaas sameyn doonto”.

Laakiin Hamann oo aaminsan in ay Barcelona xili ciyaareedkan fursad u heli karto ku guuleysiga Champions League-ga ayaa wuxuu yidhi: “Barcelona waxay fursad weyn xili ciyaareedkan u heysataa inay ku guuleysato labo ama hal koob ee lagu daray Champions League-ga marka loo eego awooda ciyaareed ay bixinayaan xidigaha haatan ku sugan Cump Nou, waxay u badan tahay sanadan inay ku guuleysan karaan Champions League-ga, sababtoo ah Lionel Messi wuxuu bixinayaa qaab ciyaareed heer saro ee cajiib ah”.