In Uu Rajaynayo In Dagaalka Uu Lionel Messi Kula Jiraa Sii Socdo, In Todoba Ballon D’Or & Todoba Carruur Ah Uu Doonayo, Mustaqbalkii Real Madrid Iyo Waxyaabihii Uu Ronaldo Ka Hadlay Kadib Ku Guulaysiga Ballon D’or.

Kadib markii uu abaal marinta Ballon D’or markii shanaad ku guulaystay ayuu Cristiano Ronaldo sheegay in uu waqti dheer sugayay abaal marintan shanaad wuxuuna xusay in uu rajaynayo in dagaalka u dhexeeya isaga iyo Lionel  Messi ee abaal marinaha shaqsiga ahi uu sii socon doono. Ronaldo ayaa ku celiyay sida uu u doonayo in uu abaal marintan Ballon D’or uu 7 jeer jeer ku guulaysto isla markaana uu yeesho 7 caruur ah.

Cristiano Ronaldo ayaa abaal marinta Ballon D’or ku garaacay Lionel Messi oo uu ka barbareeyay rekoodhkii shanta abaal marinood uu ku haysta wuxuuna 32 sano jirkan ree Portugal farxad ka muujiyay in uu markale gudoomay abaal marintan.

Cristiano Ronaldo ayaa afar jeer ku guulaystay abaal marinta Ballon D’Or muddadii uu joogay kooxdiisa Real Madrid halka markiisii ugu horaysay oo ahayd 2008 kii uu abaal marintan ku soo guulaystay waqtigiisii Old Traffrod ee uu Manchester United ka tirsanaa.

Cristiano Ronaldo oo dareenkiisa ka hadlaya ayaa yidhi: “Farxad ayaan dareemayaa, waa waqti fantastik ka ah waayahayga ciyaareed. Anigu tan waqti dheer ayaan sugayay. Sanadkani wuxuu ahaa mid layaableh, waxaanu ku soo guulaysanay Champions Leaque iyo La Liga halka heerka shaqsi ahaaneed  aan anigu ahaa gool dhaliyihii ugu sareeyay ee Champions Leaque”.

Cristiano Ronaldo oo u cudur daaraya sababta uu ugu guulaystay abaal marinta Ballon D’Or ee France Football bixisay ayaa yidhi: “Koobabkani waxay kaa caawinayaan abaal marinaha shaqsiga ah isla markaana waxaa waajib igu ah in aan sheego- Mahadsanidin ciyaartoyda aanu isku kooxaha nahay ee Real Madrid iyo Portugal kuwaas oo aniga muhiim ii ahaa”.

Intaa kadib Ronaldo ayaa iska fogeeyay in uu PSG ku biiriyo wuxuuna xusay in haddii ay suurtogal noqoto uu waayihiisa ciyaareed ku dhamaysan doono Madrid wuxuuna yidhi: “Anigu Real Madrid ayaan ku faraxsanahay, waxaanan doonaa in aan halkaas sii joogo. Waxaan jeclaan lahaa in aan waayahayga ciyaareed ku dhamaysto Real Madrid haddii ay suurtogal tahay”.

Ronaldo oo hamigiisa ka hadlaya ayaa yidhi: “Anigu waxaan doonayaa todoba Ballon d’Or iyo todoba carruur ah” Laakiin Ronaldo ayaa sii huriyay xifiltankii Messi u dhexeeyay wuxuuna yidhi: “Anigu waxaan rajaynayaa in aan heerkan ku sii ciyaari doono dhawr sanadood oo dheeraad ah isla markaana waxaan rajaynayaa in dagaalka aan kula jiro Messi uu sii socdo.Waxyaabuhu waxay u dhacaan sabab”.

Ugu danbayn Ronaldo ayaa ka hadlay waxa uu xili ciyaareedkan dareemayo iyo awooda Neymar jr oo kaalinta saddexaad ka galay Ballon D’or wuxuuna yidhi: “Wanaag ayaan xili ciyaareedkan dareemayaa, waxaan eegi doonaa dhamaadka sanadkan waxa ay qasabka nagu tahay in aanu ku guulaysano. Neymar waxa uu leeyahay hibo iyo wood badan.. Waxaan hubaa in uu fursadu heli doono in uu ku guulaysto abaal marintan”.