SAWIRO: Adidas Oo Soo Bandhigtay Kubbada Lagu Ciyaari Doono Koobka Aduunka, Zidane, Del Piero, Alonso, Kaka Iyo Lionel Messi Oo Bandhiga Ka Qayb Qaatay.

Shirkada Adidas ayaa si rasmi ah u soo bandhigtay kubbada lagu ciyaari doono koobka aduunka ee Russia 2018 waxaana kubbadani xusuus wayn u tahay kubbadii lagu ciyaaray koobkii aduunka ee sanadkii 1974 kii iyo waliba tartankii qaramada yurub ee 1968 kii iyada oo Adidas soo bandhigtay ubbada Telsar oo u dabaal degaysa sanad guuradii 50 aad ee ka soo wareegtay markii ugu horaysay ee lagu ciyaaray.

Bandhigii kubbada waxaa ka soo muuqday ciyaartoy hadda kubbada cagta ku dhex jirta oo uu Lionel Messi ugu horeeyo laakiin waxaa qayb ka soo noqday ciyaartoy hore oo magac wayn kubbada cagta ku soo yeeshay oo ay ugu horeeyaan Zinedine Zidane, Alessandro Del Piero, Xabi Alonso iyo Kaka.

Kubbada Telstar18 ayaa ah kubbada ay qaramada aduunku ku ciyaari doonaan koobka aduunka ee Russia 2018 waxaana laga soo minguuraiyay Telstar oo markii ugu horaysay lagu ciyaaray tartankii qaramada Yurub ee sanadkii 1968 kii balse 50 sano ayay kubbada Telstar dib ugu soo laabanaysaa garoomada kubbada cagta maadaama oo markii ugu danbaysay lagu ciyaaray koobkii aduunka ee 1974 kii.

 Kubbada ay Adidas u diyaarisay koobka aduunka ayaa si layaableh loo soo dhaweeyay iyada oo horumar lagu sameeyay kubbadii koobkii aduunka ee Brazil ka dhacay sanadkii 2014 kii isla markaana qaab casri ah loo nashqadeeyay waxayna haddaba u muuqataa mid uu qof kasta oo arkay kubbadan.
Haddaba halkan kaga bogo kubbada ay 32 ka xul qaran ee koobka aduunka Russia u soo baxaa ay ku ciyaari doonaan iyo qaabka quruxda badan ee loo nashqadeeyay.

Comments

comments