750 Taageerayaal Arsenal Ah Oo Saxiixay Olole Lagu Dalbanayo In Xabsi Daa’in Lagu Xukumo Shkodran Mustafi

Intii ay socotay kulankii ay guuldarada 3-2 Arsenal ka soo gaartay Crystal Palace shalay, Shkodran Mustafi ayaa ahaa xiddigii guuldarada u horseeday.

Ka dib markii uu Mesut Ozil dhaliyay goolkii barbaraha ee ciyaarta ka dhigay 1-1, Arsenal ayaa u muuqatay mid ku dhow inay hogaanka la wareegto laakiin qalad weyn uu sameeyay Mustafi ayaa Wilfred Zaha u sahashay inuu gool fudud dhaliyo oo uu ciyaarta ka dhigo 2-1.

Sharciga koowaad ee difaacashada ayaa ah inaadan booska u baneynin weeraryahanka si uusan ku garab dhaafin oo uusan fursad goolka ah u helin.

Ka dib guuldarada, taageerayaasha Arsenal ayaa ka dalbanayay tababare Unai Emery inuusan mar danbe ciyaarsiinin Mustafi xilli ciyaareedkan, waxaana ay ku baaqayeen in la iska iibiyo xagaaga.

Laakiin qaar ka mid ah taageerayaasha Arsenal ayaa meel ka sii sareysay gaarsiiyay arinta sababtoo ah waxa ay bilaabeen olole ay ku doonayaan in xabsi daa’in lagu xukumo Mustafi.

Si aad u aragto ololaha ay bilaabeen taageerayaasha Arsenal RIIX HALKAAN

Waqtigaan aan qoreyno warbixintaas waxaa ololahaan saxiixday in ka badan 750 taageerayaal ah, kama foga kun qof ay doonayaan inay saxiixaan.