Imissa Sigaar Ah Ayuu Maalintii Cabaa Tababaraha Sigaarka Ku Waalan Ee Sarri? Isaga Ayaa Si Daacadnimo Ah Uga Jawaabay.

Tababaraha cusub ee kooxda Juventus ahna shaqsigii dhawaan ka tagay kooxda Chelsea ee Maurizio Sarri ayaa saxaafada uga warramay wax ku saabsan balwada sigaarka ee uu caanka ku yahay kuna waalan yahay.

Sarri ayaa wakhtigiisii kooxda Chelsea oo kaliya xilli ciyaareedkii hore ku koobnaa la arki jiray isaga oo xanjada xaraarada sigaarka biisa ku dhex calalinaya kulamada dhexdooda maadaama aan sigaarka laga ogolayn garoomada England.

Iyadoo ay xaalada Sarri sidaas tahay ayuu haatan ka hadlay sigaar cabistiisa waxaana uu sheegay inuu maalintii cabo 60 xabo isla markaana uusan baahi sigaar oo badan ku dhex dareemin kulanka balse ay waajib tahay markii garoonka ka baxo.

Maurizio oo ka warramaya tirada sigaarka ah ee uu maalintii dhammeeyo ayaa ugu horreynba yidhi “60 ayaan cabaa maalintii taas oo laga yaabo inay tahay mid yar badan”

“Anigu kulanka dhexdiisa si gaar ah uma dareemo baahida ah inaan sigaar cabbo laakiin intaa kaddib xaqiiqdii waa lama huraan”

Nasiib darro, Maurizio Sarri ayaan haatan gegida Juventus ku dhex cabi doonin wax sigaar ah maadaama aan la ogolayn marka laga reebo xarumo yar yar oo gegida ku dhex yaala oo loogu talo galay.

Mid kamida xarumahaas yar yar ee loogu talay sigaarka ayaa la filayaa inay noqon doonto diilinta garoonka looga baxo agagaarkeeda.