RASMI: France Football Oo Daabacday 50-Ka Shaqsi Ee Kubbada Cagta Ugu Saamaynta Badan, Ronaldo, Klopp, Messi Iyo Magacyada Waa Wayn Ee Ku Jira.

Majalada caanka ah ee abaal marinta Ballon d’Or bixisa ee France Football ayaa soo saaray 50 ka shaqsi ee kubbada cagta caalamka ugu saamaynta badan sanadkan 2020. France Foobtall oo hore u sii shaacisay hordhaca liiskan ayaa ugu danbayn si buuxda u daabacday dhamaan kala saraynta 50ka shaqsi ee kubbada cagta ugu saamaynta badan.

Majalada France Football oo sumcad wayn ku leh caalamka ayaa marar badan samaysa qiimayno kala duwan oo kubbada cagta la xidhiidha waxayna hadda shaaciyeen 50ka shaqsi ee kubbada cagta ugu awooda badan.

Madax waynaha kooxda PSG ee Nasser al-Khelaïfi isla markaana ah hogaamiyaha BeIn Media Group ayaa sanadkan loo doortay shaqsiga ugu saamaynta badan kubbada cagta aduunka.

Nasser al-Khelaïfi oo heer sare soo gaadhsiiyay kooxda PSG isla markaana maamula shirkada warbaahinta caanka ah ee BeIN Media Group ayaa loo magacaabay shaqsiga ugu saamaynta badan kubbada cagta ee qiimaynta France Football.

Qoraalka France Football ayaa lagu yidhi: “Mid ka mid ah sababaha uu Nasser al-Khelaïfi uu qiimayntan kaalinta kowaad uga galay waa saamaynta khaaska ah ee uu leeyahay. Hogaaminta PSG, in uu boos ka yahay warbaahinta BeIN Media Group kuwaas oo haysta 55 milyan oo daawadayaal ah waana wasiir bilaa dal ah”.

Cristiano Ronaldo iyo madax waynaha FIFA ee Gianni Infantino ayaa ka soo muuqday safka hore ee qiimaynta 50ka shaqsi ee kubbada cagta sanadkan 2020 ugu saamaynta badan ee France Football soo saartay.

Cristiano Ronaldo ayaa kaalinta labaad ku jira halka madax waynaha FIFA ee Infantino uu kaalinta saddexaad ku soo baxay waxaana kaalinta afraad ee qiimaynta dadka ugu saamaynta badan kubbada cagta ku soo baxay Jurgen Klopp.

Shaqsiyaadka kale ee qiimaynta dadka ugu saamaynta badan kubbada cagta ku soo baxay waxaa ku jira Lionel Messi, Neymar Jr, Mohamed Salah, Raheem Sterling, Mbappé iyo Rapinoe.

Jurgen Klopp, Pep Guardiola iyo Zinedine Zidane ayaa dhamaan iska dhex arkay qiimaynta 50ka shaqsi ee ugu saamaynta badan kubbada cagta ee uu France Football soo saaray.

Madax waynaha Real Madrid ee Florentino Perez ayaa sidoo ka mid ah dadka ku jira shaqsiyaadka ugu saamaynta badan kubbada cagta ee France Football soo saartay.

Wakiilada caanka ah ee Mendes, Raiola iyo Zahavi ayaa ku jira shaqsiyaada ugu saamaynta badan kubbada cagta waxaana jira shaqsiyaad badan oo kale oo liiskan ku jira.

Liiska oo dhamaystiran waxay majalada France Football daabici doontaa barri oo talaado ah iyada oo hadda la sii bixiyay xog kooban ee shaqsiyaadka qiimayntan heerka sare ah ku soo bixi doona iyada oo madax waynaha PSG ee Nasser al-Khelaïfi uu kaalinta kowaad ku guulaystay.

Warkan ay Majalada France Football soo saartay oo qaab iib ay warbaahintu ku helaysay ayay noo suurtogashay in aanu halkan idiinku soo daabici karno ka hor waqtigii la filayay halkan ayaanad kaga bogan kartaa.

50. Ballon d’Or

49. Khalida Popal (Gabar ololeysa)

48. Jean-Michel Aulas (Madaxweynaha Lyon )

47. Rui Pinto (Aas-aasihii sir faafiyaha Football Leaks)

46. Hassan Al-Thawadi (Gudoomiyaha qaban qaabada Koobka Adduunka ee 2022)

45. David Beckham (Ciyaaryahan hore, madaxweynaha kooxda Inter Miami)

44. Mario Gallavotti (Qareenka FIFA)

43. Didier Drogba (Ciyaaryahan hore)

42. Alex Green (Ganacsade)

41. Jonathan Wilson (Joornaaliiste)

40. Hiroshi Mikitani (Gudoomiyaha shirkada Rakuten iyo madaxweynaha kooxda Vissel Kobe)

39. Xavi Hernández (Tababaraha kooxda Al-Sadd)

38. Mohamed Salah (Liverpool)

37. Viktor Zubkov (Gudoomiyaha shirkada Gazprom)

36. Ahmad Ahmad (Madaxweynaha xiriirka kubada cagta Afrika)

35. Sharon Thorne (Gudoomisada Shirkada dhaqaalaha isboortiag ee Deloitte)

34. FIFPro (Ururka ciyaartoyda)

33. Jonathan Barnett (Wakiil)

32. Victor Montagliani (Madaxweynaha CONCACAF)

31. Pierluigi Collina (Garsoore hore)

30. Chung Mong Gyu (Madaxweynaha xiriirka kubada cagta Korea)

29. Karl-Heinz Rummenigge (Madaxweynaha Bayern Munich)

28. Salman al-Khalifa (Amiirka Bahrain, madaxweynaha xiriirka kubada cagta Asia)

27. Stephen Ross (Milkiilaha kooxda Miami Dolphins)

26. Raheem Sterling (Manchester City)

25. Andrew Wilson (Gudoomiyaha shirkada EA Sports)

24. Wang Jianlin (Aas-aasaha shirkada Dalian Wanda Group oo boqolkiiba 15 iska leh Atletico Madrid)

23. Pini Zahavi (Wakiil)

22. Christian Seifert (Madaxweynaha Bundesliga)

21. Mansour bin Zayed Al Nahyan (Milkiilaha Manchester City)

20. Kylian Mbappé (PSG)

19. XI Jinping (Madaxweynaha Shiinaha)

18. Zinédine Zidane (Real Madrid)

16. Neymar Jr. (PSG)

15. Richard Masters (Gudoomiyaha Premier League)

14. Adidas-Nike

11. Brian Roberts (Gudoomiyaha shirkada Comcast)

10. Swiss Justice

9. Megan Rapinoe (OL Reign)

8. Florentino Perez (Madaxweynaha Real Madrid)

7. Lionel Messi (Barcelona)

6. Andrea Agnelli (Madaxweynaha Juventus)

3. Gianni Infantino (Madaxweynaha FIFA)

2. Cristiano Ronaldo (Juventus)

1. Nasser Al-Khelaifi (Madaxweynaha PSG)

Abaal marinta Ballon d”Or ee ay isla majalada France Football bixisay ayaa kaalinta 50 aad ee asyaada ugu saamaynta badan kubbada cagta ku soo baxday.

Sida Ugu Sahlan Ku Hel Wararka Ciyaaraha,Halkan Ka Dajiso App-ka Gool24.net RIIX HALKAAN OO HEL APPKA.

LIKE OUR OFFICIAL FACEBOOK PAGE Gool24 Facebook

1 Comment

Comments are closed.