XOG: 50-ka Kooxood Ee Iskugu Neceb Dunida Oo La Shaciyey Iyo Naadiayada Aanad Magacooda Maqal Ee Ku Jira

Kooxaha magaalooyinka ka wada dhisan waxay kulamadoodu noqdaan kuwo cadaawad badan ka dhalato oo mararka qaarkood ay dad waxyeello kasoo gaadho iyadoo ay taageereyaashu dariiqyada isku dilaan. Laakiin sidoo kale waxa jira naadiyo kale oo awoodda horyaalka dalkooda isku haysta oo kulamadooda maryo dhiig leh lagu kala furto.

Sannad ka hor, waxa waddanka Argentine oo dhan uu martigelin kari waayey ciyaar u dhaxaysay labada kooxood ee Boca Juniors iyo River Plate oo amniga ciyaartoyda iyo taageereyaasha ay ciidamada ammaanku sugi kari waayeen, taas oo kaddib dhawr jeer oo garoonka loogu kala dareeray amni darro darteed kulanka loo raray waddanka Spain oo ay koobka ku kala qaadeen.

Kulamada noocan ah oo loo yaqaano ‘Derby’ waxa taageereyaashu ay xasuusan yihiin cadaawadda u dhaxaysa labada kooxood ee xafiiltanka weyn ka dhexeeyo ee Celtic iyo Rangers oo ciyaartooda loo yaqaano ‘Old Firm’, sidaas si la mid ah AC Milan iyo Inter Milan ayey taageereyaashu meel kusii qortaan waqtigiisa, halka PSG & Marseille ay yihiin labada naadi ee ciyaarahooda looga sii diyaar-garoobo waddanka Faransiiska oo ciidamadana dariiqyada lasoo tubo si ay u kala ilaaliyaan taageereyaasha.

Waddanka Spain, waxa booskaas oo kale ku jira El Clasico oo Real Madrid iyo Barcelona ay qarniyo soo ahaayeen kuwo nacaybka ay isku qabaan uu xattaa ka baxay xuduudaha dalkaas oo uu u gudbay waddamada kale ee dunida.

Ingiriiska, waxa xamaasaddiisa aanay cidina gaadhi karin ciyaarta ay yeeshaan Manchester United iyo Liverpool, halka London ay Arsenal iyo Tottenham xamaasaddoodu dadka deggan xaafadaha kale sii gubto.

Marka laga yimaaddo qaaradda Yurub, Afrika ayay dad badan ku dhinteen kulanka ugu weyn Masar ee Al Ahly iyo Zamalek.

Brazil, Argentine illaa dunida kale, warbixintan ayaa soo koobaysa kooxaha ay colaadda ugu weyn ka dhaxayso ee marka ay ciyaarayaan ay ciidamada ammaanku heeganka galaan si ay u kala ilaaliyaan taageereyaasha jibbaysan ee iyaga oo qiiraysan ay suurtogalka tahay inay madaxa isla galaan oo ay dariiqyada xidhaan.

50. Sheffield United vs Sheffield Wednesday

49. Blooming vs Oriente Petrolero

48. Portland Timbers vs Seattle Sounders

47. Lyon vs Saint-Etienne

46. Newell’s Old Boys vs Rosario Central

45. Athletic Bilbao vs Real Sociedad

44. Everton vs Santiago Wanderers

43. FC Seoul vs Suwon Bluewings

42. Bahia vs Vitoria

41. Dynamo Moscow vs Spartak Moscow

40. America vs Deportivo Cali

39. Hamburg vs St. Pauli

38. Alianza Lima vs Universitario

37. CSKA Sofia vs Levski Sofia

36. Cerro Porteno vs Olimpia

35. Glentoran vs Linfield

34. Barcelona vs Emelec

33. Esteghlal vs Persepolis

32. Dinamo Bucharest vs FCSB

31. Kaizer Chiefs vs Orlando Pirates

Riix 2  si aad u wada akhrisato

Sida Ugu Sahlan Ku Hel Wararka Ciyaaraha,Halkan Ka Dajiso App-ka Gool24.net RIIX HALKAAN OO HEL APPKA.

LIKE OUR OFFICIAL FACEBOOK PAGE Gool24 Facebook