44 Kulan Ayuu Dheer Yahay, Waa Khad Dhexe, LIX Sano Ayuu Ka Weyn Yahay Haddana Wuu Ka Dambeeyaa!! – AKHRISO Qaabka Uu Alexander Arnold U Ceebaystay Jesse Lingard.

Da’yarka daafaca midig uga dheela kooxda Liverpool ee Trent Alexander Arnold ayaa xaalad fadeexad ah dhex dhigay khadka dhexe ee kooxda Manchester United ee Jesse Lingard marka loo eego tirada caawimada ee ay sameeyeen.

Arnold oo dhawaan kasoo if baxay Liverpool ayaa kamid ahaa daafacii kooxdiisa ee dhawaan ka caawiyay inay u tartamaan horyaaalka Premier League isaga oo soo ahaa mid si dhammaystiran la iskugu halayn karo.

Marka laga yimaado inuu wali yahay mid aad u yar, Trent ayaa ah mid xilli horeba kor u dhaafay 100 kulan kulamada uu matalay kooxdiisa waxaana loo tix galiyaa inuu yahay mid kamid ah daafacyada midig ee ugu fiican dunida.

Arnold oo ah mid kamid ah daafacyada midig ee ay adagtahay in la dhaafo ee ka ciyaara horyaalka Premier League ayay xilli ciyaareedkan si gaar ah usoo if-baxday awoodiisa weerar ee uu halka hore ku tagi karo.

Waxa aad u yar ciyaartoy daafac ah oo leh awooda karoos ee 20 jirkan waxaana uu dhawaanahan fursado aad u badan u abuurayay saddexleyda weerar ee kooxdiisa.

Haddaba, Iyadoo ay sidaas tahay ayuu Arnold xilli ciyaareedkan horyaalka kasoo sameeyay 12 gool caawimo waana tiro booska saddexaad dhigaysa isaga oo ka dambeeyay Hazard iyo Fraser lana mid ahaa Eriksen.

Waxa xaqiiqo ah in Arnold uu xilli ciyaareedkan kaliya kasoo sameeyay 12 gool caawimo horyaalka halka uu Lingard dhammaan waayihiisa ciyaareed 10 caawimo kasoo sameeyay horyaalka.

Sheekada fadeexada ah ayaa ah in Lingard uu 44 kulan ka badan yahay Arnold marka ay noqoto kulamaday ciyaareen, Garoonka uu kaga boos wanaagsan yahay markan noqoto caawimo oo uu afka hore joogo sidoo kalena uu LIX sano ka weyn yahay oo uu khibrad ahaan ka badan yahay.

 

1 Comment

Comments are closed.