39-ka Ciyaartoy Ee Magaca Weyn Leh Ee Sida Xorta Ah Kaga Baxaya Kooxahooda Dhamaadka Xili Ciyaareedka Oo La Shaaciyey

Dhamaadka xilli ciyaareedkan oo aan walo loo haynin waqti cayiman, waxa ku xigi doona suuqa iibka ciyaartoyga oo ay naadiyadu la kala wareegi doonaan laacibiin ay kala iibsan doonaan kuwo amaah ah iyo kuwo kale oo si xor ah ugu kala wareegi doona.

Suuqa iibka ciyaartoyga ayaa caadiyan furmi jiray bisha June, waxaanu socon jiray ilaa bisha August, hase yeeshee xanuunka Coronavirus ee dunida khalkhalka ku riday ayaa waxa uu keenayaa in dib loo dhigo qandaraasyadii dhici lahaa dhamaadka bisha June si ciyaartoyda heshiisyadoodu dhacayaan ugu sugnaadaan naadiyadooda ilaa inta uu xili ciyaareedku dhamaanayo.

Shanta  horyaal ee waaweyn, waxa dhamaantood jiri doona ciyaartooyo magac leh oo si xor ah uga tegi doona marka uu furmo suuqu, waxaana ugu badan Premier League oo laacibiin waaweyn ay haddaba ku dhowaaqeen in aanay heshiisyo cusub u saxeexi doonin naadiyadooda.

Horyaalka Premier League, LaLiga, Serie A, Bundesliga iyo Ligue 1, waxa shandaduhu u xidhxidhan yihiin ciyaartooyo sugaya kaliya inta albaabada bixitaanka la furayo.

Haddaba, waxaanu halkan idiinku soo gudbinaynaa 39-ka ciyaartoy ee ugu waaweyn ee heshiisyadoodu dhamaanayaan ee sida xorta ah uga tegi doona kooxahooda, kuwaas oo aanu kusoo xulnay tayadooda ciyaareed, magacooda iyo kooxo waaweyn oo lala xidhiidhinayo oo aanaan magacyadooda kusoo darin qormadan.

Premier League:

Willian – Chelsea
Ryan Fraser – Bournemouth
Jan Vertonghen – Tottenham
David Silva – Manchester City
Pedro – Chelsea
Adam Lallana – Liverpool
Olivier Giroud – Chelsea

La Liga

Santi Cazorla – Villarreal
Hatem Ben Arfa – Real Valladolid
Ezequiel Garay – Valencia
Mikel San Jose – Athletic Bilbao
Nolito – Sevilla
Arda Turan – Barcelona

Serie A

Dries Mertens – Napoli
Jose Callejon – Napoli
Giacomo Bonaventura – Milan
Fabio Borini – Verona
Giorgio Chiellini – Juventus
Ashley Young – Inter
Zlatan Ibrahimovic – Milan
Lucas Biglia – Milan
Gianluigi Buffon – Juventus

Bundesliga

Mario Gotze – Borussia Dortmund
Charles Aranguiz – Bayer Leverkusen
Benjamin Stambouli – Schalke
Lukasz Piszczek – Borussia Dortmund
Salomon Kalou – Hertha Berlin
Nuri Sahin – Werder Bremen

Ligue 1

Thomas Meunier – PSG
Edinson Cavani – PSG
Layvin Kurzawa – PSG
Thiago Silva – PSG
Eric Maxim Choupo-Moting – PSG
Nico Gaitan – Lille
Moussa Sylla – Monaco
Yaya Sanogo – Toulouse
Loic Remy – Lille
Yohan Cabaye – Saint-Etienne

Sida Ugu Sahlan Ku Hel Wararka Ciyaaraha,Halkan Ka Dajiso App-ka Gool24.net RIIX HALKAAN OO HEL APPKA.

LIKE OUR OFFICIAL FACEBOOK PAGE Gool24 Facebook