21 Sano Jir Ayuu Ku Duqoobay Mana Jirto Cid Abid Taariikhdiisa Soo Gaadhay.

Da’yarka kooxda PSG iyo xulka qaranka France ee Kylian Mbappe ayaa gaadhay heer kale kadib markii kooxdiisa lagu abaal mariyay koobka horyaalka France oo xili ciyaareedkiisii la soo gaba gabeeyay.

Guusha kooxda PSG ee koobka horyaalka France ee League waxa uu khaas u yahay Kylian Mbappe kaas oo gaadhay taariikh ay adag tahay in xataa ciyaartoy badani ay ku gaadhi karaan dhamaadka waayahooda ciyaareed.

Waxa uu Mbappe ka horeeyaa labada xidig ee Lionel Messi iyo Cristiano Ronaldo oo laysku daray marka ay noqoto guulaha taariikhiga ah ee uu soo gaadhay laakiin koobkii horyaalka France ee maanta kooxda PSG la gudoonsiiyay ayaa heerkiisa sare u sii qaaday.

Kylian Mbappe oo 21 sano jir kaliya laakiin da’diisa ayuu ku duqoobay marka loo tixgaliyo koobabka heerarka kala duwan ah ee uu ku soo guulaysatay waana mid muujinaysa nasiib iyo shaqo badan oo uu soo qabtay oo isbiirsaday.

Kylian Mbappe ayaa xili ciyaareedkii afraad oo xidhiidh ah ku guulaystay koobka horyaalka France waana sheeko ka soo bilaamaysa koobkii uu sida taariikhiga ah ugu hogaamiyay AS Monaco iyo saddexda koob ee uu PSG kula guulaystay in uu joogay.

Laakiin Kylian Mbappe waxa uu haystaa koobka aduunka oo ayna haysan ciyaartoyda kubbada cagta intooda ugu badani oo ay ku jiraan labada tobankii sanadood ee ugu danbeeyay ugu hadal haynta badnaa ee Ronaldo iyo Messi.

Haddaba halkan kaga bogo rekoodhka koobabka 21 sano jirkan Kylian Mbappe Iyo Sida ay Da’diisa iyo guulihiisu u kala wayn yihiin:

—4 koob oo horyaalka France ah oo waliba xidhiidh ah
—hal koob aduun oo uu xulka qarankiisa France la qaaday
—Coupe de la Ligue
—Coupe de France
—Trophee des Champions
—U19 European Championship

Marka la eego 21 sano jirkan waxaa hadda ka maqan koobka qaramada Yurub ee Euro-da iyo Champions League halka shaqsi ahaan uu Kylian Mbappe hadda ku hamiyayo in uu ku guulaysto abaal marinta Ballon d’Or oo uu kaalmaha hore ka soo galay isaga oo inta ka da’yar.

Kylian Mbappe waxa uu xagaagan ku fikirayay in uu xulka qarankiisa France kula guulaysto koobka Euro 2020 kaas oo hadda dib loogu dhigay xagaaga 2021 laakiin su’aasha ugu wayn ayaa ah haddii uu xili ciyaareedkan kooxdiisa PSG ka caawin doono Champions League oo ah koobka ugu adag ee ay kooxdiisa u dagaalamayso.

Kylian Mbappe ayaa 21 sano jir ku dhaafay ciyaartoy badan oo taariikhda kubbada cagta ku suntan kuwaas oo aan nasiib u yeelan in ay ku guulaystaan koobka aduunka ama horyaalada dalalkii ay ka soo ciyaareen.

Laakiin waxa uu wali ku jiraa xili aanu gaadhin heerkiisii kubbada cagta ee ugu sareeyay maadaama oo ciyaartoyda loo tixgaliyo in ay waqtigooda ugu fiican galaan inta u dhexaysa 25 sano jir ilaa 30 sano jirka.

Sida Ugu Sahlan Ku Hel Wararka Ciyaaraha,Halkan Ka Dajiso App-ka Gool24.net RIIX HALKAAN OO HEL APPKA.

LIKE OUR OFFICIAL FACEBOOK PAGE Gool24 Facebook