2020 RICH LIST: Mulkiilayaasha Kooxaha Premier League Iyo Mid Kastaaba Aduunka Uu Haysto Oo La Shaaciyay Iyo Lama Filaanka Ku Jira.

Wargayska caanka ah ee The Times ayaa shaaciyay liiska mulkiilayaasha kooxaha Premier League ee sanadkan 2020 ugu hantida badan, waxaana jira kooxo waa wayn oo meel aan laga filayn ka soo muuqday.

Iyada oo bilihii ugu danbaysay uu aduunka haystay qorshaha Saudi Arabia ee Bin Samlan ku doonayo in uu iibsado kooxda Newcastle United, waxaa hadda si rasmi ah loo sii ogaaday mulkiilayaasha uu Bin Salman u awood sheegan doono dhaqaale ahaan ee kooxaha Premeir league iska leh.

Shirkada  Saudi Arabian Public Investment Fund (PIF) ee uu Mohamed Bin Salman ku doonayo in ay 300 milyan ugu iibiso Newcastle United ayaa haddii la dhamaystiro waxay noqon doontaa shirkada koox Premier League ah maamuli doonta ee ugu hantida badan.

Laakiin haddii lagu xisaabtamo mulkiilayaasha kooxaha hadda ee Premier League waxaa ugu hanti badan shirkada Abu Dhabi Group ee uu hogaaminayo mulkiilaha Manchester City ee Sheikh Mansour kaas oo uu wargaysa The Times hantidiisa sanadkan 2020 uu ku shaaciyay in ay tahay £23.3 bilyan gini.

Waxaa layaab ah in mulkiilaha labaad ee ugu hantida badan Premier League uu laba jibaar ka hooseeyo Sheikh Mansour waana mulkiilaha kooxda Chelsea ee Roman Abramovich kaas oo hantidiisa sanadkan 2020 lagu shaaciyay 10.16 bilyan gini.

Laakiin arinta layaabka leh ayaa noqotay in mulkiilaha kooxda Liverpool ee John Henry uu kaalinta 11 aad ku jiro iyada oo hantidiisa shirkada Fenway Sports Group ee 2020 lagu qiimeeyay 2.1 bilyan gini.

Haddii mulkiilaha kooxda Liverpool sida layaabka leh sare ugu soo qaaday ee John Henry uu kaalinta 11 aad ku jiro, taageerayaasha kooxda Arsenal ayaan rumaysan karin in mulkiilaha kooxdooda dhibtoonaysa ee Stan Kroenke uu kaalinta 3 aad ka galay mulkiilayaasha ugu hantida badan kooxaha Premier Leaugue waxaana qiimaha hantida Kroenke lagu shaaciyay in ay tahay 6.8 bilyan gini.

Mulkiilayaasha Manchester United ee Glazer Family ayaa kaalinta 8 aad ku jira waxaana hantidooda sanadkan 2020 lagu shaaciyay in ay tahay £3.8 bilyan gini.

Mulkiilayaasha kooxda Wolves ayaa wacdaro ka dhigay qiimayntan waxaana hantida shirkada Fosun International ee mulkiyada Wolves iska leh lagu shaaciyay in ay sanadkan 2020 tahay £5.2 bilyan gini waxayna si layaableh uga hanti bateen kooxo waa wayn oo badan.

1: Abu Dhabi Group / Sheikh Mansour, £23.3 Bilyan gini – Manchester City

2: Roman Abramovich, 10.16 Bilyan gini – Chelsea

3: Stan Kroenke, 6.8 bilyan gini – Arsenal

4: Fosun International, £5.2 bilyan gini – Wolves

5: Nassef Sawiris/Wes Edens, £5 bilyan gini – Aston Villa

6: Srivaddhanaprabha family, £4.6 bilyan gini – Leicester City

7: Joe Lewis, £3.9 bilyan gini – Tottenham Hotspur

8: Glazer Family, £3.8 bilyan gini – Manchester United

9: Gao Jisheng, £3.1 bilyan gini – Southampton

10: Joshua Harris, £2.7 bilyan gini – Crystal Palace

11: Fenway Sports group / John Henry, £2.1 bilyan gini – Liverpool

12: Mike Ashley, £1.95 bilyan gini – Newcastle United

13: Farhad Moshiri, £1.88 bilyan gini – Everton

14: David Sullivan / David Gold, 1.6 bilyan gini – West Ham United

15: Tony Bloom, £1.3 bilyan gini – Brighton & Hove Albion

16: Maxime Demin, £900 bilyan gini – Bournemouth

17: Prince Abdullah bin Musa’ed, £178 bilyan gini – Sheffield United

18: Gino Pozzo, £93 bilyan gini – Watford

19: Mike Garlick, £62 bilyan gini – Burnley

20: Delia Smith / Michael Wynn-Jones, £23bilyan gini – Norwich City

Mulkiilayaasha kooxda Norwich City ee Delia Smith iyo Michael Wynn-Jones ayaa noqday kuwa ugu hantida yar dhamaan kooxaha Premier league ee 2020 waxaana hantidooda dhan lagu qiimeeyay 23 milyan gini waana lacag ka yar inta ay sanadkii mushaar u qaataan xidigaha ugu mushaarka badan kubbada cagtu.

Sida Ugu Sahlan Ku Hel Wararka Ciyaaraha,Halkan Ka Dajiso App-ka Gool24.net RIIX HALKAAN OO HEL APPKA.

LIKE OUR OFFICIAL FACEBOOK PAGE Gool24 Facebook