20-ka Ciyaartoy Ee Ugu Sumcadda Badan Dunida Oo La Shaaciyey, Iyo Sida Loo Kala Sareeyo.

Labaatanka ciyaartoy ee ugu caansan adduunka waqtigan ayaa la shaaciyey, waxaana si lama filaan ah booska koowaad ugu soo baxay xiddiga Chelsea dhexda uga ciyaara ee N’Golo Kante, kaas oo meesha kala baxay dhamaan xiddigaha uu filan karayay qof kasta oo la weydiiyo kuwa ay yihiin ciyaartoyda ugu caansan.

Xog ururin laga yaabo inuu muran ka dhasho oo ay samaysay Transfermarkt oo ah warbaahinta samaysa qiimaynta suuqa ciyaartoyda ee sida billaha ah loosoo bandhigo, waxa kasoo baxday in dhamaan 20-ka ciyaartoy ee ugu caansan adduunka aanay ka mid ahayn Lionel Messi oo ah xiddiga adduunka ee sannadka iyo Cristiano Ronaldo oo tobankii sannadood ee ugu dambeeyey shan jeer la siiyey abaal-marinta Ballon d’Or.

Transfermarkt waxay sheegtay in hannaanka ay u martay qiimayntan cusub ay tahay, qaab su’aalo ku dhisan oo markii dambe loo beddelay boqolley, taas oo ka dhigan in su’aalo toos ah la weydiiyey dadka in mid walba uu soo xusho ciyaartoyga uu ugu jecel yahay.

Taageere kasta, waxa loo bandhigay inuu soo xusho laba ciyaartoy, ugu dambayntiina waxay taasi fadeexad ku noqotay xiddigaha Cristiano Ronaldo iyo Lionel Messi oo ka maqnaaday labaatanka ciyaartoy ee ugu caansan, taas oo si kalena loo odhan karo, labaatanka ciyaartoy ee ay taageereyaashu usoo xusheen inay yihiin kuwo ay ugu jecel yihiin.

Sannado ka hor, taageereyaashu waxay soo xulan jireen ciyaartoyda lagu tilmaamo kuwa casriga ah ee ay hormoodka u ahaayeen: Fernando Torres, Peter Crouch, Andrea Pirlo, Ronaldinho, Gianluigi Buffon iyo  Philipp Lahm, hase yeeshee markan, waxa figta ugu sarraysa jooga Kante oo kooxda Leicester City u qaaday Premier League, sannadkii xigayna Chelsea la qaaday horyaalka ka hor intii aanu Faransiiskana sannadkii 2018 kula guuleysanin Koobka Adduunka.

Kante oo ka mid ah ciyaartoyda dunida loogu jecel yahay, isla markaana sheekooyinka iyo qisooyinkiisa nololeed ay malaayiin qof soo jiitaan oo ay la dhaceen, gaar ahaan markii dhowaan lasoo bandhigay qiimaha gaadhiga uu wato.

Akhriso liiska 20-ka ciyaartoy ee ugu caansan oo ay la socoto qiimaynta boqollayda ee xulashadii taageereyaasha:

20. Trent Alexander-Arnold (Liverpool) – 65%

19. Cesar Azpilicueta (Chelsea) – 65%

18. Alexandre Lacazette (Arsenal) – 65%

17. Mesut Ozil (Arsenal) – 65%

16. Joao Moutinho (Wolverhampton Wanderers) – 66%

15. Roberto Firmino (Liverpool) – 66%

14. Kasper Schmeichel (Leicester City) – 67%

13. Leonardo Campana (Wolverhampton Wanderers) – 67%

12. Hugo Lloris (Tottenham Hotspur) – 67%

11. Alisson Becker (Liverpool) – 68%

10. Leroy Sane (Manchester City) – 69 %

9. David Silva (Manchester City) – 69%

8. Sadio Mane (Liverpool) – 69%

7. David de Gea (Manchester United) – 69%

6. Pierre-Emerick Aubameyang (Arsenal) – 69%

5. Virgil van Dijk (Liverpool) – 70%

4. Jamie Vardy (Leicester City) – 71%

3. Harry Kane (Tottenham Hotspur) – 72%

2. Mohamed Salah (Liverpool) – 74%

1. N’Golo Kante (Chelsea) – 75%

Sida Ugu Sahlan Ku Hel Wararka Ciyaaraha,Halkan Ka Dajiso App-ka Gool24.net RIIX HALKAAN OO HEL APPKA.

LIKE OUR OFFICIAL FACEBOOK PAGE Gool24 Facebook

2 Comments

  1. War wuxu wax kama jiraan waaye ama wuxu horyalka england bes aya lagasoo xulanaayay wyo adunka hadii ladhihi lahay 20 kooda 1 xitaa kuma soo dari laheen marka laga reebo kante

Comments are closed.