126 milyan Oo 27 Daqiiqo Ku Dhamaystay Waqtigiisii Ugu Horeeyay-Qalbi Jabkii Joao Félix Uu La Kowsaday Atletico Madrid.

Da’yarka aduunka ugu qaalisan ee Joao Félix ayaa murugo ku bilawday waayihiisa ciyaareed ee kooxda Atletico Madrid kadib markii uu daqiiqado kooban isaga oo 126 kii milyan ee uu ugu soo biiray kooxdiisa cusub ay ku bilawdeen 27 daqiiqo oo kaliya.

Kooxda Atletico Madrid ayaa kulan saaxiibtinimo la ciyaartay kooxda Numancia laakiin waxaa kulankan hadheeyay dhaawaca soo gaadhay Joao Félix laakiin da’yarka reer Portugal ayaa dhaawaac looga saaray kulankan.

Tababare Diego Simeone ayaa shan ka mid ah saxiixyada cusub ee kooxdiisa Atletico Madrid waxa uu soo safay kulankii saaxiibtinimo ee Numancia , waxayna kala ahaayeen Kieran Trippier, Mario Hermoso, Renan Lodi, Marcos Llorente iyo Joao Felix.

SIDOO KALE AKHRISO:  RASMI: Xidhiidhka Kubbada Cagta Spain Oo Go'aan Rasmi Ah Ka Gaadhay Ganaaxa Luka Modric.

Laakiin Joao Félix  oo markii ugu horaysay ka soo muuqday kooxdiisa cusub ee Atletico Madrid ayaa 27 daqiiqo oo kaliya ku jiray garoonka wuxuuna ku baxay dhaawac soo gaadhay.

Jamaahiirta kooxda Atletico Madrid ayaa niyadjab ku ahayd in ay arkeen Joao Félix  oo dhaawac ku baxay iyaga oo sugayay in ay markii ugu horaysay arkaan isaga oo muujinaya tayada ay kooxdoodu ku raacday.

Kooxda Atletico Madrid ayaa rekoodhka suuqa kala iibsiga kooxdeeda waxay u jabisay saxiixa Joao Félix  kaas oo ay kula soo wareegeen 126 milyan yuro laakiin waxa uu hadda la kulmay niyadjab bilaw xun u ah waayihiisa ciyaareed ee Atletico Madrid.

SIDOO KALE AKHRISO:  Man City Oo Etihad Stadium Babraro Kula Gashay Tottenham, VAR Oo Markale Qalbi Jabiyay Guardiola Iyo City Oo Dhibcihii U Horeeyay Lumisay.

Dhaawacan uu Joao Félix  ku baxay ayaa soo gaadahy tobankii daqiiqo ee ciyaarta ugu horeeyay laakiin waxa uu isku dayay inuu ciyaarta sii wato.

Laakiin Joao Félix ayaa tilmaamay inuu u baahan yahay in badal lagu saaro kadib markii uu xaqiijistay in aanu ciyaarta sii wadan karin waxaana soo dhamaatay farxadii ay taageerayaasha Atletico Madrid u hayeen da’yarkan.

Joao Félix ayaa intii uu garoonka ku jiray waxa uu si fiican ugu xidhmayay weerarka kooxdiisa isaga oo ka ciyaarayay No.10 isla markaana darbooyin goolhayaha ku tijaabiyay.

Si kastaba ha ahaatee, Atletico Madrid ayaa baadhitaan rasmi ah ku samayn doonta heerka dhaawaca uu Joao Félix uga baxay kulankiisii ugu horeeyay ee Atletico iyada oo Simeone uu sugi doono natiijada baadhitaanka.