10 Xili Suuq Ayuu Ole Gunnar Solskjaer U Baahan Yahay Si Uu Xaalada Man United U Badali Karo-Miyuu Heli Karaa Waqtigan?

Tababare Ole Gunnar Solskjaer waxa uu u baahan yahay 10 xili suuq in uu ciyaartoy la soo saxiixdo si uu u badalo xaalada Manchester United sida uu aaminsan yahay gool dhaliyihii hore ee Man United ee Mark Robins.

Mark Robins ayaa muujiyay sida ay u adag tahay in Solskjaer uu xaalada Manchester United ku badali karo ciyaartoyda uu hadda ku haysto Old Trafford.

Manchester United ayaa 8 kulan oo Premier league ah ka heshay 9 dhibcood oo kaliya taas oo la micno ah in ay laba dhibcood oo kaliya ka sareeyaan kaalmaha heerka labaad loogu laabto.

Ole Gunnar Solskjaer  ayaa loo diwaan galiyay rekoodhadii ugu liitay ee Manchester United laakiin wali xaalada United ayaa sii xumaan karta haddii ayna kulamada soo socda guulaysan gaar ahaan kulanka Liverpool.

Gool dhaliyihii hore ee Man United ee Mark Robins oo ka hadlaya Solskjaer ayaa yidhi: “Anagu waxaan jeclaan lahaa in aan arko Ole oo awooday in uu helo waqtigii uu dib ugu dhisi lahaa, sababtoo ah, hal xili suuq kuma samayn, waxa uu u baahan yahay in uu lix, todoba, siddeed, sagaal ilaa 10 xili suuq”.

“Guud ahaan waqtigaas ma heli kartid, waxa uu ugu danbayn isku dayayaa waa in uu fuliyo hanaankii Sir Alex uu meesha dhigay ka hor intii aanu ciyaaraha ka fadhiisan” ayuu Robins hadalkiisa raaciyay.

Mark Robins oo ka hadlaya in ay Solskjaer shaqo wayn ku tahay badalida xaalada Manchester United ayaa yidhi: “Waxaan filayaa in ay shaqo wayn tahay, Xusuuso in Sir Alex uu waqti ku qaatay in uu koobkiisii ugu horeeyay ku guulaystay, taasina aad, aad iyo aad ayay u adag tahay in la badalaa, sababtoo ah cadaadiska casriga ah”.