10-kii Joogtada Ahaa Oo Lagu Daray Ousmane Dembele – Shaxda Habeen Dambe Ay Barcelona Kula Ciyaari Doonto Man United Oo Haatanba Lasii Ogaaday.

Kooxda Barcelona ayaa habeen dambe qaabili doonta dhigeeda Manchester United kulan xiiso badan oo ay labada kooxood ugu kala calaf qaadi doonaan inay boos ka helaan wareega afar dhammaadka Champions League.

Barcelona oo ah kooxda haatan faa’idad hordhaca ah haysata 0-1 kusoo guuleysatay lugtii hore ayaa haatan si hoose loosoo tabiyay shaxda ay kusoo shirtagi doonaan habeen dambe kulankaas khaaska ah.

Dabcan maaha wax sahlan in la doorto shaxda kulanka siddeed dhammaadka CL gaar ahaan koox isha ku haysa hanashada saddexley koobab ah sida Barcelona oo sanadkan hammigeedu halkaas yahay.

Tababaraha kooxdaas ee Ernesto Valverde oo doonaya inuu gaadho darajadii Guardiola iyo Enrique ee min saddexleyda ay halka xilli ciyaareed ku hanteen ayaa isha ku hayn doona ciyaartoy kasta iyo xaaladiisa taam ahaansho isaga oo taxadar dheeri ah bixinaya.

Haddaba, Wargeyska AS oo sheegay shaxda kulankaas ee Valverde ayaa shaaciyay inuu soo xulan doono 11-kii xiddig ee uu kulankii lugta hore kusoo ciyaaray oo kaliya laga reebay Nelson Semedo laguna daray Ousmane Dembele.

Dembele ayaa saacad buuxda soo ciyaaray kulankii Sabtidii ee Huesca isaga oo soo sameeyay dhacdooyinka ugu wanaagsan ee ay kooxdiisu ka samaysay kulanka wallow bareejo lagu celiyay.

Ka qayb galka kulankaas ee Dembele iyo aragtida AS ayaa wali hakad geli karta iyadoo tababaruhu dooran karo inuu markale keyd dhigo xiddiga hawshana kusii wado shaxdii hore.