10-kan Ciyaartoy Ayaa Doonaya In Ay Jurgen Klopp Isku Muujiyaan Kulamada Saaxiibtinimo Ee Dhawaan Bilaami Doona-Miyay Cadayn U Samayn Karaan In Anfield Lagu Sii Hayo?

8-Nat Phillips: Kulamadii saaxiibtinimo ee xagaagii hore waxa uu Phillips ahaa guulaystayaashii indhaha soo jiitay wuxuuna xataa awooday in uu difaaca dhexe kula soo bilawday Van Dijk ee kulanii Torino ee Anfield ka dhacay.

Waxa uu markale Phillips heli doonaa fursad uu Klopp ugu muujin karo in uu hadda diyaar u yahay kooxda kowaad oo uu soo dalacsiiyo waana suurtogal in Klopp uu ku qanci karo horumarka da’yarkan.

9-Ben Woodburn: Sanadkii 2016 kii waxa uu Woodburn noqday xidigii abid ugu da’da yaraa ee kooxda kowaad ee Liverpool gool u dhaliyay laakiin horumarkii uu 19 sano jirkani samayn lahaa waxaa curyaamiyay xidigaha badan ee uu Klopp kooxda kowaad ku haysto.

Ben Woodburn waxa uu horeba u soo cadeeyay inuu kooxda kowaad ka ciyaari karo isla markaana uu yahay mid mustaqbal wayn ku leh kubbada cagta, laakiin waxa uu kulamada saaxiibtinimo ka samayn karo ayaa dib u soo noolayn karta saamayntii iyo xusuustii uu taageerayaasha liverpool ku lahaa.

Ben Woodburne ayaa amaah guuldaraysatay ku soo qaatay kooxda sheffield United laakiin waxa uu kulamada xagaagan heli doonaa fursad uu isku muujin karo.

10-Harry Wilson: Ugu danbayn Harry Wilson waa mid ka mid ah ciyaartoyda ay inta ugu badan jamaahiirta Liverpool isha ku hayn doonaan inta lagu jiro kulamada xili ciyaareedka ka horeeya, waxayna rajaynayaan in uu Klopp ku qancin karo in uu kooxda kowaad ka mid noqdo.

Harry Wilson ayaa amaah guulaysatay ku soo qaatay kooxda Derby County waxayna hadda u muuqataa in la soo gaadhay waqtigii uu Klopp go’aan ka gaadhi lahaa haddii uu Wilson fursad siinayo iyo haddii ay kooxdu lacag ka samaynayso.

Lama filayo in Harry Wilson amaah kale lagu bixin doono waxayna hadda u dhexaysaa in kooxda kowaad fursad laga siin doono ama in xagaagan la iibin doono maadaama oo ay kooxo badani saf ugu jiraan.