10-ka Kooxood Mushaharka Ugu Badan Bixiya Dunida Cayaaraha Oo Daaha Laga Qaaday & Kuwa Kubadda Cagta Oo AFAR Ku Yeeshay, Miyay Kooxdaadu Awood Dhaqaale Muujisay?

Hay’ada sahaminta mushaharka dunida kubadda cagta ee marka magaceeda lasoo gaabiyo loo yaqaano GSS ayaa sidii caadada u ahayd soo saartay kooxaha mushaharka ugu badan sanadkii bixiya cel-celis ahaan iyadoo aan kaliya lagu koobayn kubadda cagta balse qiimayn lagu samaynayo guud ahaan ciyaaraha.

Tiro-koobka sanadkan ayaa u muuqda mid awood dhaqaale oo muuqata loo sheegtay kooxaha kubadda cagta walow ay iyagu kaalmaha ugu sarreeya haystaan hadana waa lagaga batay tobbanka u sarreeya.

Kooxda booska koowaad xidhatay isla markaana sumcada kubadda cagta kor u qaaday ayaa ah Barcelona oo ah kooxda mushaharka cel celis ahaan ugu badan bixisa guud ahaan dunida ciyaaraha, Barca ayaa bixisa mushahat cel-celis ahaaneed oo dhan £10.45 Milyan.

Haddiiba ay Blaugrana gashay booska koowaad, Kooxda uu xifaaltanka kubadded ee soo jireenka ahi kala dhexeeyo ee Real Madrid ayaa ah mida ugu soo dhaw waxaana ay sanadkii Los Blancos xiddigaheeda mushahar ahaan u siisaa lacag cel-celis ahaaneed oo dhan 8 Milyan.

Kooxda booska saddexaad soo gashay ayaan ahayn mid ka tirsan kubadda cagta waana kooxda lagu magacaabo Oklahoma City Thunder oo ah koox ka tirsan horyaalka kubadda kolayga ee dalka Maraykanka ee NBA, Waxa xusid mudan in Oklahoma ay sanadkii hore booska koowaad ku jirtay.

Kooxaha kubadda kolayga ee NBA ayaa liiskan 10-ka kooxood ah ku leh lix waxaana ay awood u sheegteen kuwa kubadda cagta oo ay ugu jiraan kaliya afarta kooxood ee kala ah Barcelona, Real Madrid, Juventus iyo Manchester United.

NBA ayaa markale noqday horyaalka cel-celis ahaan bixiya mushaharka ugu badan dhinaca horyaalada waxaana ay bixiyaan mushahar cel-celis ahaan noqonaya £5.9 million, Waxa ugu soo dhaw horyaalka kubadda Cricket-ka ee dalka India oo bixiya 3.8 Milyan.

Ugu dambayn, Premier League ayaa ah horyaalka mushaharka cel-celis ahaaneed ee ugu badan bixiya dhinaca horyaalada kubadda cagta waxaana ay dhiibaan 3 Milyan.